Tuesday, May 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Xildhibaan Cabdiraxmaan Kamaal Shiikhaay oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa ku weeraray afaafka hore hoygii uu ka deganaa xaafadda Siliga, qaybteeda Degmada Wadajir, halkaasoo sida la sheegay ay ku dileen.

Wararka aya sheegaya in raggii dilkaasi gaystay ay ka baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aanay gaarin Ciidamada Booliska ee degmadaasi ka hawlgala.

Ciidamada Booliska ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan aysan cidina ugu soo qaban dilkaasi, iyagoo dhanka kalena ka qaaday meydka marxuumka.

Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin dilkan ugu dambeeyay ee caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Maxamed (Darafey) ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Cabdiraxmaan Kamaal loogu gaystay Caasimadda Muqdisho.

Falalka amni-darrada ayaa muddooyinkanba ku soo badanayay Magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

Khasaaro Ka Dhashay Gantaallo Ku Dhacay Koonfurta Israa’iil

Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee...

Facebook Feed

Twitter Feed