Xulka Qaranka Algeria Oo Guul Qurux Badan Ka Gaadhay Xulka Kenya

wardeeq news Xulka qaranka Algeria ayaa si qurux badan ku bilowday koobka qaarada Africa iyaga oo guul ayna ku dhibtoon ka gaadhay xulka Qaranka Kenya kulan ka tirsanaa Group-ka C ee koobka qaarada Africa.somgool

Xulka Algeria ayaa ahaa kuw guud ahaan iyo gaar ahaanba maamulayay ciyaarta iyaga oo ka qaab ciyaareed fiicnaa xulka Kenya oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo aan midho dhalin lahayn.

Kadib dadaal badan oo ay sameeyeen waliba sameeyeen fursado fiican oo ay doonayeen in ay goolasha ciyaarta ku furaan xulka qaranka Alegria ayaa ugu dambayn shabaqa taabtay.

Daqiiqadii 34-aad ayaa xulka Algeria loo dhigay rikoodhe iyaga oo uu gool u badalay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Baghdad Bounedjah kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa.

Xulka Kenya ayaa isku dayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta iyaga oo qaaday weeraro rogaal celis ah laakiin waxa u suurtagali wayday in ay wax gool ah u badalaan fursadihii ay helayaan.

Ka Hor dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Xulka qaranka Algeria sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo dhaliyay goolka 2-aad siina dheeraystay hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 43-aad ayuu Riyad Mahrez xulka Algeria u dheereeyay hogaanka isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulka Algeria si raaxo leh ugu hogaaminayo ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Algeria dhaliyay 2/0 laakiin xulka Kenya Laftiisu helay fursado laakiin aan wax gool ah u badalin.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayayna waxba iska badalin natiijada laakiin labada xul ayaa helay fursado fiican oo goolal laga dhalin karay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka Algeria guul ay u qalmeen ka gaadhay xulka qaranka Kenya si fiicana ugu bilowdeen tartanka Koobka Africa.

somgool.com

https://youtu.be/t9F7Ybk13Ac