Halkan ka daalaco waraarkii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga.

0
163
the sun

Inter Milan ayaa u muuqata mid ka cagajiideysa inay 75 milyan ginni ka bixiso weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku taasoo ka dhigeysa mustaqbalka weeraryahanka mid aan la hubin islamarkaana ka careysiineysa tababare Antonio Conte oo si weyn u doonayay xiddiga reer Belgium.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa diidan inuu bixiyo 60ka milyan ginni ee ay Real Betis duldhigtay xiddigeeda khadka dhexe Giovani Lo Celso.

Daafaca Faransiiska Laurent Koscielny ayaa diyaar u ah inuu talaabo dhanka sharciga ah ka qaado Arsenal ka dib markii loo sheegay inuu boqolkiiba 50 dhimo mushaharkiisa.

Manchester United ayaa la sheegayaa inay dalab gaaraya 62 milyan ginni ka gudbisay weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang sida ay sheegayaan warar Talyaaniga ka imaanaya.

Kooxda Jarmalka ee RB Leipzig ayaa ugu cadcad tartan loogu jiro xiddigah Chelsea Ethan Ampadu oo ay ku doonayaan amaah hal xilli ciyaareed ah.

hasan kaafi abdirahmaan .