Halkan ka akhriso waraarkii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga oo xaley xidhmey.

0
191

(wardeeq news ) sports today..

gudbin doonaa liiska ciyaartoyda saxiixooda la dhameystiray maanta iyo xalay ee suuqa kala iibsiga Ingariiska.

Soo booqo bogaan mar walba si aad u heshay liiskii ugu danbeeyay iyo xiddigaha lala wareegay.

Alex Iwobi ayaa ka tagay Arsenal isagoo heshiis 40 milyan ginni ah ugu wareegay kooxda Everton, Waxa uu Everton u saxiixay heshiis shan sannadood ah.

David Luiz ayaa heshiis 8 milyan ginni ah uga tagay Chelsea kuna biiray kooxda Arsenal oo uu qandaraas labo sannadood ah u saxiixay.

Tottenham ayaa ugu danbeyn soo xerogelisay xiddiga khadka dhexe Giovani Lo Celso oo ay amaah hal xilli ciyaareed ah kala soo wareegeen Real Betis, waxaana ay xagaaga danbe ku iibsan karaan 55 milyan ginni.

Danny Drinkwater ayaa heshiis amaah lix bilood ah uga tagay kooxda Chelsea waxaana uu ku biiray kooxda Burnley

Kieran Tierney ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Arsenal isagoo heshiis 25 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Celtic.

Romelu Lukaku ayaa heshiis 73 milyan ginni uga tagay kooxda Manchester United waxaana weeraryahanka reer Belgium uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Inter Milan

Man City ayaa xaqiijisay inay amaah kula soo wareegeen goolhayaha 34 jirka ah ee kooxda Derby Scott Carson kaasoo noqon doona goolhayaha seddexaad ee kooxda ka dib Bravo iyo Ederson.

Leicester City ayaa dhameystirtay saxiixa Dennis Praet oo ay 18 milyan ginni uga soo iibsadeen kooxda Sampdoria. Xiddiga khadka dhexe waxa uu saxiixay qandaraas shan sannadood ah.