Dowladda Soomaaliya oo Turkiga uga tacsiyeysay injineero oo ku dhintay Qaraxii maanta

0
1192

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ay wehliyeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha,waxa ay booqdeen dadka ku dhaawacmay weerarkii loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ee  lala beegsaday saaka subaxnimadii hore isgoyska ex-control Afgooye oo ah goob dadkeedu badan yahay oo Muqdisho ka tirsan, kuna geeriyoodeen in aan ka yarayn 70 qof oo rayid ah.

Wasiir Cawad waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkani, isagoo u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah, waxaana uu sii xoojiyay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada, iyadoo adkayn doonta nabadgelyada dadkeeda.

Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loogu yiqiin Isbitaalka Digfeer, ayaa Wasiirku waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, isagoo uga tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay.