Laba Ka Mida Ciidamada Turkey Oo Lagu Dilay Dalka Libya.

0
105

Laba kamid ah Askarta Dowladda Turkiga Ee ku sugan dalka Liibiya ayaa Geeriyooday sida uu xaqiijiyey madaxweynaha dalkaasi Ee Recep Tayyip Erdogan.

Wakaaladda Wararka ayaa laga soo xigtay hadal uu Yidhi madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaasoo ahaa “Labo kamid ah ciidammadeena ayaa ku shahiiday Liibiya”.

Weerarka lagu dilay askarta Dalka Turkiga ayaa waxaa soo qaaday ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khaliifa Haftar oo mucaarad ku ah Dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Dalka Liibiya.

Jeneraalkaan dagaalka kula jiro Dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo qaar ka tirsan wadamada Carabta oo ay ugu horreeyaan Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Dhanka kale Dowladda Liibiya ayaa taageero ka heleyso wadamada Turkiga iyo Qatar, waxaana dhawaan halkaas ka gaaray ciidamo aad u qalabeysan oo ka tirsan Militariga Turkiga oo wato gawaarida gaashaaman.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Erdogan Ayaa kusoo Beegmaya xilli la filayo inuu Madaxweynaha Booqasho Uu Ku Tago Wadanka Azerbaijan.