Mareykanka Oo Si Cad Uga Hor-yimid Ciidanka Ay DF Soomaaliya Ay Gaysay Gobolka Gedo.

0
250

Isu-duwaha dhanka siyaasadda Ee Mareykanka u qaabilsan golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay, Rodney Hunter ayaa isagoo khudbad ka jeedinayey kulanka golahaasi, wuxuu ka hadlay xaaladda Ka jirta Soomaaliya.

Mr. Hunter ayaa ugu horreyn ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay dowladda federaalka ka wado gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin oo weecineyso dhaqaaliihii loogu talagalay amniga.

“Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daad gureeyey, looguna dagaal galiyey gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taasi weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiisyey ee loogu talagalay howlgallada amniga”. ayuu yiri Isuduwaha dhanka siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka.

Sidoo kale Mr. Rodney Hunter ayaa carabka ku dhuftay in mas’uuliyadda ciidamada dowladda iyo dowlad goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al-Shabab, waxaana uu sheegay in la ilaaliyo isku dhac labada ciidan ah lana soo afjaro khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in uu soo afjaro dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ay ka wadaan degmooyinka gobolka Gedo, islamarkaana khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Jubbaland uu ku dhameeyo wadahadal iyo deganaan.

“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubbaland Madoobe waa in ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin” ayuu  yiri isu duwaha arrimaha siyaasadda u qaabilsan Mareykanka.

Ugu dambeyn Rodney Hunte ayaa carabka ku dhuftay in sanadkaan 2020-KA Soomaaliya uu u yahay Sanad Adag, islamarkaana laga Doonayo inay wax ka qabato barnaamijka deyn cafinta, u diyaar garowga doorashooyinka soo socda iyo inay AMISOM kala wareegto amniga Dalka Soomaaliya.