Ciidanka dowlada oo sheegtay in weerar gaadmo ah ay ku dileen Al Shabaab

0
67

Ciidanka Xoooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in weerar ay xalay ku qaadeen deegano ka tirsan  Gobolka Shabeellaha Hoose  ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab. Weerarkaas ayaa la shegayaa in uu ka dhacay duleedka deegaanka Bariire oo ay horay u fadhiyeen maleeshiyaad ka tirsan  Al Shabaab ah.

Ciidanka Dowlada ayaa sheegtay in ay halkaas ku  dileen Afar ruux oo ku hubeuysan qori AK-47, isla markaana doonayay inay weerar xoogan ku qaadan Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halkaas. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in raggaas la dilay ay doonayeen inay weerar ku qaadan Saldhiga Ciidanka ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire, hayeeshee ay ka hortegeen.

Goob-joogayaal ku dhawaa halka uu ka dhacay howlagalkaas ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas la isdhaafsanayay, wallow daqiiqado kadib ay rasaasta istaagtay, iyagoo xusay in markii dambe ay arkeen Meydadka Aafar ruux oo la dilay. Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan xiliyada habeenkii ah weeraro ku qaada Saldhigyada Ciidanka dowladda Federaaka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaaao ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ururka Al Shabaab oo inta badan sheegta hadii weerar dad kaga dhintaan, laakiin  arinataan wali kama aysan hadlin, lamana oga sheegashada ay ciidamada dowlada sheegteen weerarkaas in uu yahay mid run ah.