Cudurka CaronaVirus oo Soomaali badan ku dilay dalalka Sweden iyo Ingiriiska

0
73

Waxaa maalinba maalinta ka danbeeysa sii kordhaya dadka Soomaaliyeed ee u dhimanaya cudurka CaronaVirus, gaar ahaan wadamada Sweden iyo Ingiriiska. Inkastaa oo aan la aqoonin  tirada rasmiga ah u dhimatay cudukaas habada jaaliyada Soomaaliyeed ayaa sheegaysa in maalinkastaa ay  soo duugaan dad Soomaali ah u dhibtay cudurkaas.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay  ja badan yihiin 100 qof oo Cudurka ugu geeriyooday dalkaas. Dadka kale ee Soomaalida ah ee kunool dalka Sweden ayaa la sheegayaa inay diidan yihiin inay guryaha joogaan, waxaana si caadi ah loogu arkayaa goobaha ay dadku isugu tagaan, xili dadka looga digayo inay tagaan goobaha isugu yimaadan.

Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka uu ku faafiyay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana la xaqiijiyay in 3,447 qof oo kunool halkaas uu ku dhacay COVID-19. Dadka Soomaaliyeed ayaan marnaba muujiin taxadar iyo dad’daal looga hortago cudurkaas.