M. Sayid oo ku eedeeyay dowlada Farmaajo in ay fursad siisay Al Shabaab

0
49

Iyada oo maalmihii u danbeeysay ay jireen warar la iska dhexmarayay oo ahaa in dowlada Jubbaland ay wadahadal la furtay  DFS ayaa Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa  Dowladda Federaalka ku dhaliilay in ay iska indho tireyso xal u raadinta khilaafka uu sheegay in ay sabab u tahay ee ka taagan Gobolka Gedo. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac ay ka faaiideysteen Al-Shabaab oo fursad ka dhex heshay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

“Gobolka Gedo, Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysan sugneen Al-Shabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland.

Dhanka kale Maxamuud Sayid Aadan  ayaa u jeedeyay DFS in ay jeediyay in ay joojiso daacayadaha been abuurka ah iyo faragelinta ay ku heyso Dowlad Goboleedyada gaar ahaan Jubbaland, isla markaana Ciidamada ay geysay ee sababta u noqday xiisadda ay dib ugu soo qaado sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa 1-aad Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxa ay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo.

Beesha Caalamka ayaa horay ugu baaqaday Farmaajo in uu kala soo noqdo ciidanka uu diray degaanka Gedo laakiin ilaa iyo hada waa uu ka dhaga adeegay.