Kolonyo Ay La Socdeen Saraakiil Ciidan Oo Qarax Lala Eegtay

0
65

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas qarax lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dullka la geliyay ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo gelbineysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf  Raage ayna la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda, iyagoona socdaal ku marayay duleedka Janaale.