Dagaal beelood ka socda duleedka Kismaanyo oo asbucii labaad galay

0
81

Waxa asbuucii labaad galay dagaal beeleed u dhaxeeya labo maleeshiyo oo ka soo jeeda beelaha Cowramale iyo beesha Harti Daarood ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday duleedka magaalada  Kismaayo. Waxaa lagu soo waraamayaa inuu sii xoogeystay islamarkaana ay dad badan ku dhinteen, saakayna uu halkaasi ka socdo

Goobjoogalaan ku sugan goobta dagaalka ka qarxay ayaa sheegaya in ay maqlayaan dhawaqa rasaasta laga maqlayo Galbeedka Kismaayo. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa badankood ah dhinacyada dagaalamaya. Dagaalka ayaa sidoo kale kusii baahaya deegaano hore leh, mana jirto illaa iyo hadda cid ku guuleysatay inay joojiso.

Odoyaasha dhaqanka ayaa ka codsaday in si deg deg ah loo kala dhexgalo dadka walaalaha ah ee isdilya. Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay dhowaan ciidamo u diraan deegaanada dagaalka uu ka socdo, balse weli kuma guuleysan inay joojiyaan dagaalka. Sidoo kale, dadaallo ay odayaasha labada beel ka sameeyeen magaalada Kismaayo ayaan weli miro-dhalin.