Madaxweyne Qoor Qoor Oo Kormeeray Saldhig Ciidan Kuna Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Alshabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa kormeer ku tagay xarunta Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad ee deegaanka Baacadweyn ee Gobolka Mudug halkaas oo uu ugu kuur gelayay xaaladda ay ku suganyihiin ciidamada iyo saldhigga ay ka howlgalaan.

Madaxweynaha oo uu wehliyey wasiirka Amniniga Gudaha maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi  ayaa ugu horeyn wuxuu salaan ka qaatay ciidamada. Halkaas oo taliyaha Ciidanka qeybta 21-aad Janaraal Cabdicasiis Qooje uu madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda ciidanka.

Intaasi keddib, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ciidanka iyo hoggaankiisa la wadaagay hadal-jeedin isugu jirta ammaan, duco iyo dardaarran.

Muddooyinkii dambe Madaxweyne Qoor qoor ayaa socdaalo kala duwan waxa uu ku marayay deegaano ka tirsan gobolka Mudug waxaana haatan uu booqasho ku joogaa deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.