Somaliland Oo Digniin Adag U Dirtay Maamulka Puntland

Wasiirka Warfaafinta maamulka Soomaaliland Salebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlayay warfidiyeenada ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan uu jeediyay madaxweynaha Puntland oo uu uga hadlayay xuduudaha Puntland iyo Soomaaliland.

Isaga oo ka jawaabay hadalkaas ayuu tilmaamay in Soomaaliland ay tallaabo ka qaadeyso Puntland hadii ay joojin weydo faragelinta ay ku heyso xuduudaha maamulka Soomaaliland ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in ciqaab ay la kulmi doonto Puntland ay usoo dhaqaaqdo xuduudaha Soomaliland,waxaana intaa uu kusii daray in Deni looga baahanyahay in uu hormariyo Siyaasadiisa sida uu ganacsigiisa u hormariyay.

Hadalka wasiirka warfaafinta maamulka Soomaaliland Salebaan Cali Koore ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu ugu Baqay Somaliland in ay ka baxdo dhulka ay ka heysato Puntland.