Amnesty International oo dalbatay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Wariye Abuja

Amnesty International oo dalbatay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Wariye Abuja

Hay’adda Amnesty International waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) oo u xiran dowladda dhexe ee Soomaaliya Muddo bilooyin ah.

Hay’adda waxa ay ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan Wariyaha oo la xiray 7dii Maarso 2020 , islamarkaana ay soo xirtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) .

“Amnesty International waxay ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) Ururka wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan” ayaa lagu yiri Bayaanka Amnesty International

Warbixinta Hay’adda ayaa intaasi kusii dartay “Abuja waxaa dib u xiray saraakiil ka tirsan NISA 7dii Maarj 2020 iyadoo aysan ogeyn qoyskiisa iyo Qareenno iyo iyadoo aan maxkamad la soo taagin illaa 7 Juunyo 2020. Maalintaas, si qarsoodi ah ayaa loo geeyey maxkamadda militariga Magaalada Muqdisho iyada oo aysan la socon reerkiisa iyo qareen”

15kii Juun 2020, laba ka mid ah Ururada u dooda warbaahinta, aabihiis iyo mid ka mid ah qareenadiisa ayaa ku booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho Wariye Abuja sidda ay sheegtay Hay’adda, waxaana ay sheegeen in uu ka cabanayay madax xanuun aad u daran iyo xanuun indhihiisu qabaan oo sheegay inuu u baahan yahay daaweyn deg deg ah iyo baaritaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *