Jidka Godey,Qallaafo & Feerfeer.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, Dr.Abiy Ahmed oo maanta gaadhay magaalada Goday, ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhaysa magaalooyinka Godey, qallaafo iyo Feerfeer.Taas oo dhererkeedu dhan yahay 270 KM, mudo afar sano ahna uu socon doono dhismaheedu.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ahaa dhagax dhiga mashruuca wadadaas.