Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa beeniyey warar saacadihii lasoo dhaafay lagu...

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa beeniyey warar saacadihii lasoo dhaafay lagu qoray baraha bulshada

kuwaas oo sheegayey in Deni uu ka tanaasulay qorsha Madasha Badbaado Qaran iyo Saamileyda kale ay uga mid noqonayaan heshiiska arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraalkan oo lasoo dhigay cinwaan facebook been abuur ah oo u eg midka Saciid Deni ayaa lagu yiri “Waxaan ka tanaasulnay qorshaheyga aan ku doonayey in dhammaan xubnaha Madasha Badbaado Qaran iyo saamileyda siyaasadda ay qeyb ka noqdaan heshiiska dalka ee arrimaha doorashooyinka, kadib marki aan aragnay in baarlamanka federaal Soomaaliya waqtigiisu dhammaada uu doonayo inuu sameeyo mudo kordhin aan sharci aheyn.” 

Jaamac Deparani ayaa qoraalkaasi ku tilmaamay mid looga been abuurtay madaxweyne Deni, iyada oo la adeegsanayo ciwaan aan sax aheyn. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in qoraalka lagu sameeyey habka Online-ka ah, sida uu hadalka u dhigay.




“Wax la eryo been baa u gaabisa ! Ciwaanka saxda ah ee Madaxweynaha waakan H.E Said Abdullahi Deni sawirkana waa mid lagu been abuuray habka Online-ka ah,” ayuu yiri.

Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa ku mideysan Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka sare, iyada oo dhowaan looga dhowaaqay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqoto dadaallada socda ee doorashooyinka.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli si mari-waa uu ka taaagan yahay doorashooyinka 2021.







RELATED ARTICLES

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Sida looga takhaluso dufanka uurku jirta: Cabitaannada sonkorta leh waxay kordhiyaan xaddiga dufanka caloosha ee aad sidato

Baruurta visceral waxaa badanaa loo yaqaanaa dufanka caloosha, waxayna u egtahay inay ku duubmaan xubnahaaga gudaha. Waxaa loo tixgeliyaa inay tahay dhibaato caafimaad oo...

Facebook Feed

Twitter Feed