Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Al-Shabaab oo weeraray Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo

Al-Shabaab oo weeraray Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda Kenya ku leeyihiin degaan hoostaga Gobolka Wajeer ee dalkaasi Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Saldhigyada Ciidamada Kenya ku sugan yihiin ee la weeraray ayaa waxaa uu ku yaallaan deegaannada Qarso iyo war-gaduude oo ka wada tirsan gobalka Wajeer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan laba Saacadood, kaas oo dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka ku nool Aaga deegaannada Qarso iyo war-gaduude oo katirsan gobolka Wajeer ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn xoogan ku yeeshay dagaalka, iyada oo mararka qaar xaafadaha degaanka ay ku dhacayeen rasaasta la isku adeegsanayay.

Weli lama oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse waxaa la sheegay in uu jiro khasaaro dhsawac ah oo ka dhashay dagaalka, sidoo kale uu dab ka kacay Saldhiga Ciidamada Kemya ee la weeraray.

Warbixin ay daabacday jariirada Long War Journal ayaa lagu sheegay in weerada sanadkaan ahaayeen kuwa aad ugu sii kordhayay Kenya, waxaana ugu badan ahaayeen Bishaan sii dhamaaneysa ee May ay Al-Shabaab la fuliyeen Gudaha Kenya

RELATED ARTICLES

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho

Qaar kamid ah wadayaasha Bajaajta ee ka Shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Maanta ku dibadbaxeen Aaga Isgoyska Shabeelle oo ku dhow Daljirka...

Facebook Feed

Twitter Feed