Filimka cusub ee oo matalaayo senjey dutt oo hindiya iyo afghanistan iska hor keenay.

9 Disembar 2019. Isniin

Sanjay Dutt (midig) wuxuu matalayaa hoggamiyihii Afghnistan aasaasay ee Axmed Shah Abdali
Muranka ku saabsan dagaal dhacay qarnigii 18-aad, wuxuu markale xilligan casriga ah ku bilowday farriin Twitter-ka lagu qoray.

“Geeridu waxay la socotaa harkiisa,” ayuu yiri Sanjay Dutt, jilaga caanka ah ee Bollywood oo filimkan Panipat ku matalayay Axmed Shah Abdali, kaas oo Jimcihii la billaabay in shineemooyiinka laga daawado.

Waxaa la filayay in lagu farxo filimkan, balse taa bedelkeeda wuxuu kiciyay dhacdo caalami ah, waxaana ka xanaaqay waddan dhan oo mar taageero weyn u ahaa Bollywood.

Haddaba maxay yihiin waxyaabaha dhabta ah ee Afghanistan ruxay?

Panipat wuxuu ku saabsan yahay sheekada dagaal dhacay sannadkii 1761-dii oo u dhexeeyay boqortooyo Hindiya mamuleysay iyo ciidamo ka soo jeeday Afghanistan oo uu hoggaaminayay Axmed Shah Abdali.

Xayeysiinta filimkaas waxay daawadayaasha gelisay in si wayn ay u sugaan ayna jeclaadaan in ay daawadaan bilow illaa dhammaadka.

Laakiin, way cadeyd in khilaaf uu sababi doono: Shacabka Afghanistan, Abdali waxay u arkaan aabehii aasaasay dalkaas iyo in uu ahaa halyeey, balse dadka Hindiya wuxuu u yahay nin ku soo duulay oo dilay kumannaan ka mid ah dagaalyahannadii Maratha, kuwaas oo lagu laayay dagaalka taariikhda galay ee Panipat ee Waqooyiga Delhi.

Arjun Kapoor (bidix) iyo Kriti Sanon waxay sidoo kale qeyb ka ahaayeen jilliinka filimkan
Markii lagu dhawaaqay in jilitaanka filimkan la billabayo ayuu walaaca soo bilowday. Sannadkii 2017-kii, qunsuliyadda Afghanistan ee Mumbia ayaa si toos ah ugu dacwootay wasaaradda warfaafinta ee Hindiya.

“Axmed Shah Abdali wuxuu boos weyn ku leeyahay quluubta iyo maskaxda dadka Afghanistan,” ayuu yiri Naseem Sharifi, Qusulka Afghanistan ee magaladaas.

Wuxuu inta ku daray: “Markii filimka la sameynayay, waxaan dalbanay in aan daawano ka hor intaan la shaacin. Iyadoo dadalkeena uu aad u badnaa, haddana wax jawaab ah kameynaan helin kuwa filimka sameynayo”.

Balse waxay xaaladda sii xumaatay markii ay soo dhacday farriinta Twitter-ka ee Sanjay Dutt, oo uu la socday sawir muujinaya kalinta filimkaas uu ku matalayay ee ninka ay dadka Afghanistan ugu yeeraan Axmed Shah Baba (aabo). buuqa daba socday farriintaas ayaa si degdeg ah ku bilowday.

Sanjey dutt.
“Waa qof xun. wax buu soo marsaday. Abdali sidaa ma ahayn. Sida uu u lebisan yahay iyo sida uu u hadlayo; xitaa ma ahan qaabka Afghanistan, wuxuu matalayaa sida qof carab ah,” ayuu yiri Elaha Walizadeh, oo blog-ga Afghanistan wax ku qora.

Illaa muddo fog, shacabka Afghanistaan waxay si weyn u taageerayeen aflaanta Bollywood, sida filimkii Khuda Gawah, ee xidigga uu ka ahaa Amitabh Bachchan oo Afghanistaan looga arko jilaa aad u wanaagsan.

Dad badan ayey aflaantaas farxad iyo rajo u ahaayeen xilligii Taliban laga soo qaxayay. Heesaha hindiga ayey aroosyada ka daaraan, way ku ciyaaraan, kuwooda ugu caansan ayey xifdiyaan, qaarkoodna luqadda Hindiga ayeyba ka barteen.

Balse markii uu soo baxay filimkii Padmaavat, sannadkii 2018-kii, kaas oo atoore ka ahaa Ranveer Singh oo matalayay Alauddin Khilji, oo ahaa boqorkii Turko-Afghan ee qarnigii 12-aad qabsaday Delhi, waxaa ka dhashay aragtiyo kala duwan.

In kastoo filimkaas dadka qaar ay taageereen, haddana wuxuu xambaarsanaa in Khilji uu ahaa hoggaamiye xun oo naxariis daran, taas oo ay ka xanaaqeen dad badan oo u dhashay Afghanistan.

Deepika Padukone oo ahayd boqoraddii filimkaas Padmaavat waxaa loogu hanjabay in la dilayo
Si taa la mid ah filimkii Kesari, oo 2019-kii la baahiyay ee ku saabsanaa dagaalkii dhex maray 21 askeri oo Hindi Shikh ahaa oo ka tirsanaa ciidamadii Britain ee dalkaas haysta iyo 10,000 oo askar Afghanistan u dhashay, si weyn ayaa loo cambaareeyay waxaana lagu sheegay in uu gudbinayo fikrad been ah oo lagu weji xumeynayo Afghanistan oo laga dhigayo kuwa dullaan ahaa oo dhul xoog ku qaatay.

Xog: alshabaab oo wada qorista dagaal yahano cusub.

(wardeeq News)

– Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa wardeeq news u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay waddo dagaal-yahanno qoris cusub xilli dhanka kalena ay wajahayaan cadaadis xooggan.

Saraakiisha ayaa sheegay in Al-Shabaab degaanada ay maamulaan dadka ku nool ay ku amreen in ay keenaan dhalinyaro u dagaalama, hub iyo nooca fudud ee qoryaha dagaalka.

Falkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay degaanka Geel-Gub oo ka tirsan Shabeellada Dhexe oo ay dhawaan galeen Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa laga qaaday hub, qoryaha dagaalka iyo dhalinyaro u dagaalanta, sidoo kale xoolo nool ayaa laga qaaday dad kaqaar.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhaqaalaha ay haystaan ay u saamaxeyso Al-Shabaab inay dagaal-yahanno cusub qortaan.

Al-Shabaab ayaa hadda canshuur ka qaada dhammaan ganacsiyada Muqdisho, iyo sidoo kale dadka guryaha dhsinaya ama iibsanaya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Guddiga Khuburada QM ee Soomaaliya.

“Dhaqaalo farabadan oo ay helaan Al-Shabaab waxay geliyeen dhanka ciidanka waxayna qorteen maleeshiyo badan oo ay rabaan in ay ku dagaal tagaan”ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin.

“Xogta aan helnay waxay sheegeysaa, in Al-Shabaab ay dhaqaalo xoog leh geliyeen dib u dhiska ciidankooda gaar ahaan kooxda weerarada, kuwa qaraxyada iyo kooxda sirdoonka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka.

Inkasta oo dhaqaale badan uu soo galo, haddan Al-Shabaab ayaa dhanka kale waxaa haysta cadaadis xooggan oo kaga imanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka oo dagaal-yahanno badan looga dilay, loogana saaray dhowr magaalo.

Dowladda ayaa sidoo kale ku guuleysatay inay yareyso qaraxyadii iyo dilalkii ay kooxdan ka fulin jirtay Muqdisho, kadib markii la xoojiyey sirdoonka. Sidaas darteed, waxaa suurta-gal ah in ciidan qorista badan ee Shabaab ay taas jawaab u tahay.

Magacyada hugaamiyayaasha alshabaab ee weerarkii faransiiska lagu beegsadey..

(wardeeq news)

– Diyaarado dagaal oo la sheegay in ay wateen Ciidamo u dhashay dalka France ayaa markii 2-aad duqayn ka fuliyay degmooyinka Jilib iyo Bu’aale oo katirsan gobalka Jubada Dhexe sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa wardeeq news u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic culus iyo rasaas tiro badan oo muddo socotay. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay arkeyn iftiin ballaaran oo qabsaday xaafadaha qaar ee Jilib iyo Bu’aale, iyadoo diyaarado dagaal ay dul wareegayeen gobalka Jubada Dhexe.

Saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo magacooda qariyey ayaa noo xaqiijiyey in howlgalkaasi ay iska kaashadeen ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Soomaaliya iyo kuwa France ee ku sugan Soomaaliya.

Duqeynta ka dhacdey degmada Jilib ayaa la sheegey in lagu lala eegtay Aamiirka Weerarada Kenya u qaabilsan Al-Shabaab oo dhalasha ahaan kasoo jeeda dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegey Sheekh Cumar balse caan ku ah magaca Abuu Bakar iyo labadiisa istaaf oo markaasi lasocodey ayagoo ku sugnaa guri kuyaala duleedka degmada Jilib.

Dhanka kale duqeyn kadhcedey degmada Bu’aale ayaa lasheegey in lagu bartilmaameedsaday amiirkii Cusbaa ee amniga u qaabilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Yare afgarashadiisuna ay aheyd Abuu Cazaab iyo daraawalkiisa ayagoo lasheegey xiligaasi in ay ku guda jireen safar dhulka ah.

Dhinaca kale, duqeymo diyaaradeed ayaa ka dhacey xaruun weyn oo lagu tababaro dagalamayaasha Al-Shabaab oo ku taala inta u dhaheysa Haaway iyo Araboow oo kwada ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaan ka dhacday Sh/Hoose.

XOG: maxamed bin salmaan walaashi oo xabsi lagu xukumey.

(wardeeq news)

Maxamed Bin Salmaan walaashii oo xabsi lagu xukumay
Maxamed Bin Salmaan
Amiirad Sucuudiyad ah ayaa lagu xukumay 10 bilood oo xadhig dibad jooga ah oo waxa lagu helay in ay af-duubatay oo ay garaacday nin ka shaqaynayey guri kuwa raaxada ah oo ay Paris ka deganayd.

Xassa Bint Salmaan waa 43 jir waxaana dhalay boqorka Sucuudiga Salman Bin Cabdelcasiis.

Waxa lagu eedeeyey in ay amar ku siisay boodhi gaadhkeeda inuu garaaco nin ka shaqeeya cillad saaridda qasabadaha oo sida la sheegay sawirro kaga qaaday gurigeeda dhexdiisa.

Ashraf Ciid, oo ah ninka dacweeyey, ayaa sheegay in ninka boodhi gaadhka u ahaa ku qasbay inu uu Amiiradda cagaha ka dhunkado.

Muxuu Sucuudiga u daneynayaa fannaaniinta ugu caansan dunida?

Nin malaayiin dollar ku dhacay magaca boqortooyada Sucuudiga

Maanta ayaa maxkamad Faransiis ahi Amiiradda ku heshay dembi ah in ay gacan ka geysatay jidh dil iyadoo adeegsanaysa hub iyo in ay sidoo kale af-duub qof qayb ku lahayd.

Amiiradda oo hore waaran qabasho oo caalami ah loogu jaray, ayaa xukunka lagu riday iyada oo maqan, waxaana sidoo kale lagu ganaaxay 10,000 Euro. Hase yeeshee, iyadu hore ba way u beenisay eedahaa loo haystay.

Ninkii boodhi gaadhka u ahaa oo la yidhaa Raani Saciidi, ayaa isagana lagu xukumay sideed bilood oo xabsi dibad joog ah iyo 5,000 Euro oo ganaax ah.

Sidee wax u dhaceen
Bishii Sebtember 21016 ayaa Ashraf Ciid waxa loogu yeedhay aqal ku yaal dabaqa shanaad cimaarad kuwa qaaliga ah oo ku taal Avenue Foch ee magaalo madaxda Faransiiska, si uu u hagaajiyo qasabad jabtay.

Ninkaa shaqaalaha ah oo dhalasho ahaan Masri ah ayaa sheegay in uu sawirro uun ka qaaday qolka maydhashada ee loogu yeedhay inuu qasabadda u hagaajiyo.

Laakiin Amiiraddu waxay sida la sheegay ka cadhootay markii ay aragtay in meesha uu sawirayey muraayad ku taallay muuqeedu ka soo baxay. Hase yeeshee xaashida dacwadda waxa ku caddayd in ay markiiba u yeedhay Saciidi oo ay amar ku siisay inuu garaaco isla markaana qol ku xidho.

Mar ayaabay amiiraddu sida la sheegay ku qaylisay “eyga dil, nolol ba ma istaahilee”.

XOG: natiijada doorashadii axmed madoobe lagu doortey oo maxkamad lala tiigsadey..

(wardeeq news) – Madaxweynaha dib loo doortay bishii hore ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lala tiigsaday maxkamad, ayada oo la diidan tahay natiijada doorashadii lagu soo doortay.

Cabdalla Axmed Ibraahim oo kamid ahaa musharixiintii loo diiday inay ka qeyb galaan Doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa codsi u diray Maxkamadda gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Guddiga doorashada ku eedeeyey inaan cod bixinta loo qaban sida uu qabo dastuurka Jubalanad.

Tallaabada uu qaaday Cabdalla Axmed Ibraahim, ayaa ka dhigeysa markii ugu horeysay taariikhda tan iyo xornimadii Soomaaliya in doorasho maamul Goboleed loo gudbiyo Maxkamad.

Cabdalla Axmed Ibraahim ayaa qareenadiisa amray inay Axmed Madoobe oo doorashadii dhacday helay 56 ka mid ah 74 Xildhibaan ee coddeeyey lagu soo oogo illaa seddex arrin oo kala ah:

Sida loo aasaasay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorshooyinka iyo Xuduudaha ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (JIEBC).
Shuruudo adag oo la hor dhigay musharixiinta si looga hor istaago inay tartamaan
Iyo Hanajbaadyo ay la kulmeen musharixiinta.
Cabdalla ayaa sheegay sidoo kale inuu Axmed Madoobe gacanta ku dhigay Todobada xubnood ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorshooyinka iyo Xuduudaha taasoo uu ku sheegay inay kasoo hor jeedo qodobka 93-aad Farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Jubbaland.

Wuxuu kaloo sheegay inuu Axmed Madoobe isaga guddiga u meeriyey shuruudaha la hor dhigay musharixiinta taasoo uu ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn.

Qodobada aadka u adag oo ay Musharixiinta Jubbaland cabashada ka muujiyeen ayaa waxaa kamid ah in Musharixiinta lagu xiray inay bixiyaan ilaa 30 Kun oo Dollar oo is diiwaan gelinta, inaysan heyn xil Xildhibaan iyo mid wasiir iyo sidoo kale inay musharixiinta Soomaaliya ku sugnaayeen labadii sano ee ugu dambeysay.

Waa maxay sababta ka danbaysa werarada soo noqda ee koonfur afrika..

(wardeeq news)

Weerarrada ayaa lagu beegsaday shisheeyaha ku nool Koonfur Afrika
Dad rabshado samaynaya ayaa maalmihii la soo dhaafay qalalaaso xooggan ka abuuray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo gubay gawaari, boobna kula kacay dukaamo ay inta badan leeyihiin dad shisheeye ah.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ayaa falkaasi ku tilmaamay dembi iyagoo ka gaabsaday inay ugu yeeraan weerarro shisheeye naceyb ah.

Balse dowladda Nigeria oo ku doodaysa in la beegsaday ganacsiyo ay muwaadiniinteeda ku leeyihiin Johannesburg ayaa u yeertay safiirka Koonfur Afrika dalkeeda u jooga.

Dalalka Afrika oo muwaadiniintooda uga digay rabshadaha Koonfur Afrika

Malaayiin dollar oo laga dhacay garoonka diyaaradaha ee Johannesburg

Maxay salka ku hayaan dibedbaxyada Koonfur Afrika
Weerarrada ka dhanka ah shisheeyaha
Dowladda Koonfur Afrika ma ururiso xogta weerarrada ama hanjabaadaha ka dhanka ah dadyowga shisheeyaha ee dalkeeda ku nool.

Haseyeeshee xarunta African Centre for Migration & Society (ACMS) ayaa tan iyo sanadkii 1994 waxay isha ku haysay weerarrada noocaasi ah ee ka dhaca guud ahaan Koonfur Afrika. Waxa ay xaruntaasi xogta ka heshaa warbaahinta, dhibbanayaasha, goobjoogayaasha iyo dadka u ololeeya ka hortagga weerarradaasi.

ACMS ayaa sheegtay in weerarrada shisheeye naceybka ay meeshii ugu saraysay gaareen sanadihii 2008 iyo 2015.

Weerarro mar qura ka bilowday guud ahaan Koonfur Afrika ayaa sanadkii 2008 waxa lala beegsaday muhaajiriinta iyo qaxootiga, waxaana la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 60 qof, halka barakacana uu gaaray kumannaan kale.

Sanadkii 2015, weerarro shisheeye naceyb ah oo inta badan ka dhacay magaalooyinka Durban iyo Johannesburg ayaa horseeday in dowladda ay howlgeliso milaterigeeda si loo joojiyo rabshadaha.

Bishii Maarso ee sanadkan ayaa dowladda waxa ay bilowday olole shacabka lagu wacyigelinayo isla markaana lagu wanaajinayo adeegyada ay helaan dhibbanayaasha fuquuqa.

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi, balse waxa ay ugu baaqeen xukuumadda inay weerarrada u aqoonsado kuwo salka ku haya naceybka loo qabo shisheeyaha.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Koonfur Afrika ee Democratic Alliance ayaa bishii Oktoobar 2018 ku eedeeyay xisbul xaakimka ANC inuu huriyo rabshadaha shisheeye naceybka ah.

Britain oo qarka usaaran doorasho wakhrigeedi laga soo hormariyey.

(wardeeq news)

Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa ku adkeysanaya in uusan rabin doorasho guud oo xilligan ka dhacda dalkiisa, waxaana uu ugu baaqay xildhibaannada in aysan u codeyn dib u dhigidda waqtiga ka bixitaanka Midowga Yurub.

Balse wardeeq news ayaa fahansan in ra’iisal wasaaraha uu isku dayi doono ku dhawaaqidda doorasho xilligeeda ka soo hormartay, dhici kartana 14-ka October, waa haddii xildhibaannada ay horjoogsadaan bixitaan heshiis la’aan ah.

Wasiirro hore oo ka tirsan xisbul xaakimka ayaa ka gacan siinaya xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha ka hortagga in UK ay 31 October Midowga Yurub uga baxdo qaab heshiis la’aan.

David Cameron oo iska casilaya shaqada xildhibaanimada baarlamaanka Britain

Britain oo maanta doorasho loo dareerayo

Wadahadal u furmay Britain iyo Midawga Yurub

Mr Johnson oo warbaahinta kula hadlay banaanka xafiiskiisa No 10 ayaa sheegay in tallaabada noocaasi ah ay “mustaxiil” ka dhigi doonto wadahadallo dheeraad ah oo uu dalkiisa la galo Midowga Yurub si ay u gaaraan heshiis cusub.

Waxa uu dhanka kale sheegay in haddii ay xildhibaannada taageeraan dadaalka dowladdiisa, uu ku guulaysan karo inuu wax ka bedelo heshiiska hadda u dhexeeya labada dhinac ee uu baarlamaanka saddexda jeer diidday.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay inay korortay suuragalnimada ah in heshiis cusub laga gaaro arinta bixitaanka, maadaama buu yiri ay UK isu diyaarisay ka bixitaanka Midowga Yurub xilliga loo qabtay wax kasta oo dhacaba.

Doorashada guud ee rasmiga ah ayay tahay inay dhacdo sanadka 2022.

Sida uu dhigayo xeerka waqtiga go’an ee baarlamaanka, Mr Johnson ayaa u baahan taageerada saddex meeloodoo laba meel xildhibaannada oo tiradooda guud ay tahay 650 si doorasho xilligeeda ka soo hormartay ay u dhacdo.

Haddii uu codkaasi helo waxa uu soo jeedin karaa taariikhda ay doorashada dhacayso, taasoo noqon karta arin muran badan dhalisa marka la eego waqtiga yar ee ka harsan xilliga loo qabtay ka bixitaanka.

Doorasho Britain ka dhacda ka hor dhammaadka sanadkan ayaa noqon doonta tii saddexaad ee dalkaasi soo marta shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay doorashooyin guud dhaceen sanadihii 2015 iyo 2017.

XOG: hanaanka yaabka ee alshabaab Xildhibaano ugu yeelanayso baarlamanka DFS ee 2020

(Wardeeq news)

– Al-Shabaab waxay qaadeen talaabo aad u qaraar in la maqlo balse markaan weyba dabaqayaan waxayna tahay hanaan sharci inay maraan sidii ay xildhibaano ugu yeelan lahaayeen doorashooyinka lagu balansan yahay in sanadka 2020 gudaha Soomaaliya ka dhacdo laguna soo doorto hogaanka dowladda dhexe.

Al-Shabaab ayaa saameyn ku yeelanayaan haatan odayaasha soo xulayaan ergada qabiilada u matalayaan kuraasta barlaamaanka ayagoo Al Shabaab hanjabaad iyo laaluush bixin isku darayaan sidii ay ergo ugu yeelan lahaayeen xildhibaanada cusub ee lasoo xulaayio.

Odayaasha wicitaanka Al-Shabaab ka jawaab celiyeen ee Shabaab la kulmeen 20-maalmood ayaa lagu heestay meel aan la aqoonin oo gudaha dalka ah. Waxayna qaateen kulan ay Al Shabaab u arkeen inuu ahaa mid ay odayaasha kula fal galayaan waxayna dajiyeen qorshe dagan oo aan dhiig ku daadaneyn oo ay tallada dalka kula wareegayaan.

“Waxay nasiiyeen dhar iyo lacag waxayna inoo balan qaadeen bil walbo $300 inay nasiinayaan haddii aan amaradooda qaadano. Waxay inoo sheegeen in dalka gaalo qabsadeen sidoo kalena ay naga rabaan inaan garab ku siino sidii aan tallada dalka dib ugu soo celin laheyn gacanta Islaamka.” Sidaas waxaa dhahay odey dhaqameed aan rabin in magaciisa la xuso.

XOG: xarakada alshabaab oo hiiran dad kuleysey iyo ciiddamadii itoobiya oo ka baxey.

(wardeeq news)


(wardeeq neews)
– Ururka Al-Shabaab ayaa galabta Shan ruux ku dilay deegaan lagu magacaabo Duufaamo, oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gabal dhicii galabta deegaankaas, oo ay maamulaan dagaalyahanada Macawiisley oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Hir-Shabeelle.

Shanta qof oo ay dileen Al-Shabaab, ayaa seddax ka mid ah waxay Macawiisley halka labada kalana ay ahaayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maamulidda deegaankaas ayaa muddo kooban gacanta u gashay Al-Shabaab, balse wararka ay caawa ka heleyso wardeeq news ayaa sheegaya inay iskaga baxeen, kaddib dhaq-dhaqaaqyo kasoo wajahay dhinaca dagaalyahanada Macawiisley.

Weerarka ay Al-Shabaab ku dileen dadkaas gaaraya shanta ruux ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta gobolka Hiiraan ay iskaga baxeen Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM qeybtooda Itoobiya oo la sheegay inuu u dhamaaday waqtigii howlgalkooda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa baneeyay saldhigyo ay ku la haayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, mana jiraan ciidamo lagu badalay oo dagay saldhigyadii ay ka guureen, waxaana maanta xaflad sagootin ah ciidamadaas loogu sameeyay magaalada Beledweyne.ayaa sheegaya inay iskaga baxeen, kaddib dhaq-dhaqaaqyo kasoo wajahay dhinaca dagaalyahanada Macawiisley.

Weerarka ay Al-Shabaab ku dileen dadkaas gaaraya shanta ruux ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta gobolka Hiiraan ay iskaga baxeen Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM qeybtooda Itoobiya oo la sheegay inuu u dhamaaday waqtigii howlgalkooda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa baneeyay saldhigyo ay ku la haayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, mana jiraan ciidamo lagu badalay oo dagay saldhigyadii ay ka guureen, waxaana maanta xaflad sagootin ah ciidamadaas loogu sameeyay magaalada Beledweyne.

XOG: Hindiya maalayiin qof oo qarka usaaran,iney waayan muwaadinimadooda.

(wardeeq news).

Hindiya: Malaayiin qof oo qarka u saaran inay lumiyaan muwaadinnimadooda
8 Saacadood ka hor
La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan WhatsApp La wadaag qodobkan Messenger La wadaag
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Hindiya ayaa sheegtay in hannaankan lagu aqoonsanayo soogalootiga sharci darrada ah
Hindiya ayaa daabacday diiwaanka muwaadiniinteeda ku nool gobolka waqooyi bari dalkaasi ku yaal ee Assam, waxaana liiskaasi ugu dambeeyay iska waayay 1.9 milyan oo qof, sidaana ku waayay muwaadinnimadooda.

Diiwaanka oo loo yaqaan National Register of Citizens (NRC) ayaa ah liiska dadka caddeyn kara inay gobolkaasi ku sugnaayeen 24-kii Maarso 1971 oo ah maalintii ka horeysa markii ay Bangladesh madax bannaanida ka qaadatay dalka Pakistan.

Dadka iska waayay liiskan ayaa haysta 120 maalmood oo ay racfaanka uga qaadan karaan go’aanka.

Ma cadda waxa xigi doona marka ay mudadaasi dhamaato.