Kylian Mbappe Oo Da’da 20 Jir Sida Ciyaartoy Weyn Ugu Xisaabtamaya & SADDEX Shuruudood Oo Uu Hordhigay PSG Haddii Ay Doonayaan Inuusan Real Madrid U Wareegin.

Kylian Mbappe ayaa ah kaliya 20 sano jir balse haatanba gaadhay waxyaabo aysan ciyaartoyda qaar gaadhin waayahooda ciyaareed oo dhan.

Mbappe ayaa kusoo guuleystay koobkii aduunka ee 2018 isaga oo afar gool kasoo dhaliyay tartankaas isaga oo sidoo kale saddex jeer oo xidhiidh ah kusoo guuleystay horyaalka France ee Ligue 1.

Mbappe ayaa xilli ciyaareedkan wacdarro kusoo dhigay PSG waxaana uu 46 gool kusoo dhaliyay 56 kulan xilli ciyaareedkan hadana sidaas oo ay tahay  maaha ciyaartoyga ugu muhiimsan wali Paris.

Neymar oo Paris Saint-Germain ku jooga €222 Milyan ayaa wali ah hoggaanka kooxda walow uu Mbappe kaga awood batay dhinaca garoonka dhexdiisa haata.

Si kastaba, Mbappe ayaa haatan u xisaabtamaya sidii ciyaartoy da’ ahaan weyn isaga oo ak fikiraya mustaqbalkiisa isla markaana saddex qoddob oo waaweyn hordhigay PSG si ay uga ceshadaan Real Madrid oo doonaysa.

Sida laga soo xigtay wariye Duncan Castles oo ka hawl gala Sunday Times, Mbappe ayaa doonaya in laga dheelsiiyo booska weeraryahanka dhexe, Laga dhigo midka tuuraya rigoorayaasha sidoo kalena iyo waliba inay kooxdu ku ciyaarto shaxda 4-4-2.

Castles ayaa yidhi “Mbappe waxa uu aaminsan yahay inuu dhaafay Neymar marka ay noqoto muhiim ka ahaanshaha PSG, Wuxuu doonayaa in loo balan qaado inuu u ciyaaro ka weeraryahan dhexe ahaan isaga oo ka horreynaya Cavani iyo Neymar kaas oo aan inta badan isagu halkaas ka ciyaarin, Booskaas naftiisa ayuu u doonayaa”

“Waxa uu doonayaa inuu qaato rigoorayaasha, Waxa uu ku dhawaa inuu ku guuleysto kabta dahabka ah xilli ciyaareedkii hore waxa uu dareensan yahay haddii loo ogolaan lahaa inuu ku qaato rigoorayaasha uu ku guuleysan lahaa abaalmarintaas”

“Sidoo kale waxa uu doonayaa inuu la bedelo shaxda PSG waxa uu doonayaa inuu u ciyaaro ka lambar 9 ahaan shaxda 4-4-2”

wardeeqnews.com

Ronaldo Mise Messi? Da’yarka Real Madrid Ee Da’yarka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior oo waraysi siinayay ‘FoxSports

Da’yarka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior oo waraysi siinayay ‘FoxSports’ ayaa la weydiiyay inuu kala doorto xiddigaha ugu wacan dunida kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi midkii uu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro.

Da’yarkan oo aan labadaas xiddig midna garoon la gelin ayaa bixiyay jawaab gabi ahaanba ka baxsan labadaas xiddig isaga oo sheegay inuu dooran lahaa weeraryahanka kooxdiisa ee Karim Benzema oo isaga caawimo lasoo garab istaagay.

Tan iyo imaatinkiisii Santiago Bernabeu, Vinicius ayaa saaxiibtinimo garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba ah lasoo samaystay Benzema isaga oo talo macalinimo ka helayay markasta.

Intaa kaddib Vinicius ayaa amaanay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo uu ku sifeeyay mid kamida kuwa ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta.

Da’yarkan oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yidhi “Way adagtahay, Anigu waligay lamaan ciyaarin midkoodna, Ma garanayo, Waligay midkoodna lama ciyaarin sidaas darteed ma garanayo, Waxaan dooran lahaa Benzema markasta wuu igu caawiyaa garoonka dhexdiisa”

Intaa kaddib Vinicius oo amaanaya Messi ayaa markale yidhi “Isagu waa mid cajiib ah, Qofkasta wuu ogyahay inuu yahay mid kamida kuwa ugu fiican taariikhda”

Ugu dambayntii Vinicius ayaa sheegay in kulamada ay kooxdiisu Barcelona la ciyaarayso ay kuwa kale uga duwan yihiin kahor intii uusan saxaafada u sheegin in Neymar uu yahay shaqsiga uu ku daydo.

 

wardeeqnews.com

Kaddib markii uu ku biiray Real Madrid, Hazard oo wax laga weydiiyay isbar-bardhiga isaga iyo Messi & jawaabtii uu ka bixiyay

Xiddiga reer Belgian iyo kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa iska diiday in lala bar-bardhigo kabtanka Barcelona ee Lionel Messi, wuxuuna markale xaqiijiyay in xiddiga reer Argantina uu yahay kan ugu fiican.

Eden Hazard ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay taageerayaasha ugu caansan ee Lionel Messi, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta ee aduunka.

Hadalka Eden Hazard ayaa wuxuu imaanayaa markii ugu horeysay isagoo ah ciyaaryahan ka tirsan kooxda Real Madrid oo ay si xoogan ugu xilfaltamaan kubadda cagta, kaddib markii uu kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay caawa wada ciyaari doonaan xulalka Belgian Vs Scotland.

Eden Hazard ayaa inta uu ku gudi jiray shirka jaraa’id waxaa la weydiiyay su’aal ahayd suurtagalnimada bar-bardhiga isaga iyo Lionel Messi wuxuuna ku jawaab celiyay:

“Waa wax aan macquul aheyn, waa sax inay jiraan waxyaabo aan isaga egnahay, tusaale ahaan labadeenaba waxaa nahay kuwo gaaban, isla markaana leh xawaare xoogan, laakiin wuxuu dhaliyaa goolal kulan kasta, balse anigu ma sameeyo sidaas, suurtoagalna ma noqoneyso in leyla bar-bardhigo qofaan leyla bar-bardhigi karin”.

“Waxaa jira hal ciyaaryahan oo ah kan ugu fiican taariikhda, waana Leo Messi”.

 

wardeeqnews.com

10-ka milkiile ee kooxaha adduunka ugu qanisan iyo hantida ay heystaan

Majalada caanka ah ee “Forbes” ayaa shaaca ka qaaday 10-ka milkiilayaasha ee ugu qanisan kooxaha kubadda cagta ee caalamka xiligan la joogo, waxaana liiskan si lama filaan ah ugu soo baxay magacyada milkiilayaal badan.

Liiskaan oo lagu daabacay majalada caanka ah ee lagu kalsoon yahay, ayaa lagu arkay magacyada milkiilayaal badan oo aan ka mid ahahyn kooxaha waaweyn ee kubadda cagta adduunka, sida milkiilaha François Pinault ee kooxda Faransiiska ah ee Rennes, iyo Philip Anschutz oo ka tirsan Los Angeles Galaxy ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa lagu dhex arkay liiska 10-kan milkiilayaasha ee ugu qanisan kooxaha kubadda cagta ee caalamka xiligan magacyo si weyn caan kaga noqday kubadda cagta ee adduunka sanadihii ugu dambeeyay, sida milkiilaha Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi, kan kooxda Juventus ee  Andrea Agnelli, iyo milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich.

Hadaba halka hoose kaga bogo 10-ka milkiile ee kooxaha adduunka ugu qanisan iyo hantida ay heystaan:

10- Nasser Al-Khelaifi – Paris Saint – Germain – 6.2 billion dollars.

9- Dmitry Rybolovlev – Monaco – 6.8 billion dollars.

8- Zhang JinDong – Inter Milan – 6.8 billion.

7- Stan Kroenke – Arsenal – $ 8.8 billion

6- Philip Anschutz – Los Angeles Galaxy – $ 11 billion.

5- Roman Abramovich – Chelsea – 12.4 billion dollars.

4- Andrea Agnelli – Juventus – $ 15.9 billion.

3- Dietrich Mateschitz – New York Red Bulls, Leipzig, Red Bull Salzburg, Red Bull Brasil – $ 18.9 billion.

2- François Pinault – Rennes – 31.7 billion dollars.

1- Carlos Slim – Real Oviedo  – $ 59.2 billion.

 

 

wardeeqnews.com

Paul Pogba Oo Ay Ku Adkaatay Kaddib Markii La Weydiiyay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Abid Kasoo Garab Ciyaaray & LABA Halyeey Oo Uu Ugu Dambayn Doortay,

Khadka dhexe ee Manchester United iyo xulka France ee Paul Pogba oo wakhti xaadirkan ku hawlan waajibaadkiisa qaran ee kulamada isreeb-reenka EURO 2020 ayaa waraysi dhinacyo badan taabtay bixiyay.

Pogba ayaa marka laga yimaado waraysiga uu bixiyay haatan la tacaalaya mustaqbalkiisa Man United waxaana maalinba maalinta ka dambaysa isasoo taraya wararka la xidhiidhinaya kooxo ay ugu horreeyaan Real Madrid iyo Juventus.

Wararka kala duwan ee saxaafada ayaa ah kuwo si kala duwan isku khilaafaya, Xiddigan ayaa ku riyooda ka ciyaarista Real sida uu sheegay balse waxaan jirin wax u diidaya kooxdii dunida magaca ugu yeeshay ee Juve.

Si kastaba, Paul ayaa warcelino ka bixiyay waydiimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen xiddigaha ugu fiican ee uu kasoo garab ciyaaray, Ciyaartoygii ugu adkaa ee uu wajahay & halyeeyga uu taageeri jiray wakhtigiisii carruurnimo”

Jawaabaha saddexdaas su’aalood ayaan idiinku soo gudbin doonaa qaab su’aalo iyo jawaabo ah oo is hoos yaala.

Wariye: Ciyaartoyga dookhaaga ah ee aad kusoo barbaartay?

Pogba: Waa Ronaldo, Ronaldo Brazilian.

Wariye: Ciyaartoygii kasoo horjeeday ee ugu adkaa ee aad abid wajahday?

Pogba: Waa N’golo, N’Golo Kante.

Wariye: Kaddib way wanaagsantahay inaad kooxdaada (Xulka France) ku haysato (Kante)

Pogba: Haa

Wariye: Ciyaartoygii ugu fiicnaa ee aad lasoo ciyaartay?

Pogba: Taasi waa su’aal adag, Waxaan kuu sheegi doonaa laba sababtoo ah waxaan usoo ciyaaray laba kooxood, Pirlo oo khad dhexe ah, Paul Scholes waa laba khad dhexe.

wardeeqnews.com

“Xawaarihiisu Wuxuu I Xasuusiyaa Usain Bolt & Ronaldo Nazario, Waa Sababta Ay Man United U Iibsatay” – Saxeexa Cusub Ee Red Devils Daniel James Oo Amaan Loogu Qubeeyay.

Saxeexa cusub ee kooxda Manchester United Daniel James oo dhawaan kaga soo biiray dhinaca Swansea City ayaa amaan weyn ka helay tababaraha xulka Hungary ee Marco Rossi oo uu qarankiisu wajahi doono qaranka Wales ee da’yarkan.

James oo 21 sano jir ah ayay kooxdiisa Swansea iyo Man United ka heshiiyeen heshiis ku qabsoomi doona 18 Milyan oo uu labadan kooxood ugu kala wareegi doono lana filayo inuu heshiiska Old Trafford dhammaystiri doono kaddib waajibaadkiisa qaran.

Da’yarkan ayaa xilli ciyaareedkii dhawaa kasoo hilaacay kooxda Swansea City waxaana uu usoo dhaliyay afar gool isaga oo toddoba kale caawiyay 33 kulan oo uu kasoo muuqday waxaana intaas u dheer shaqo cajiib ah oo uu garoonka kasoo dhex qabanayay.

Tababare Rossi oo si weyn u amaanay Daniel James ayaa sheegay inuu ku xasuusto ninka siddeed jeer kusoo guuleystay ciyaaraha orodka ee Olymic-da ee Usain Bolt iyo halyeeygii ree Brazil ee Ronaldo Nazario.

Marco Rossi ayaa yidhi “Xawaaraha James waxa uu i xasuusiyaa midka Usain Bolt, In la noqdo mid sidaa u xawaare badan sidiisa oo kale waa wax cajiib ah”

“Sanadihii ugu dambeeyay ma xasuusto ciyaartoy ii muujiyay dareenkan, Karaarkiisu waa mid aan caadi ahayn taas oo ah sababta ay Manchester United u iibsatay”

“Wakhtigii hore waxaan wajahay ciyaartoy aad u xawaare badan kaasoo aniga ahaan ahaa midka ugu wanaagsan kaddib Maradona waa Ronaldo”

“Isaga (Ronaldo Nazardio) kaliya laguma aqoon xawaare laakiin waxa lagu yaqaanay waxkasta, Karaarkiisu waxa uu u ekaa midka James”

wardeqnews.com

Andrew Robertson Oo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Kahor Tagay Mana Ah Ronaldo, Messi, Neymar, Mbappe & Kane!!.

Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa doortay xiddigii ugu adkaa ee uu kahor tagay waayihiisa ciyaareed isaga oo labadii sano ee uu Liverpool lasoo qaatay xiddigo badan oo magac leh wajahay.

Robertson ayaa lasoo kulmay mudadaas xiddigo ay kamid yihiin Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Neymar, Mbappe, Harry Kane, Sterling iyo Sergio Aguero balse saxeexa cusub ee Real Madrid Eden Hazard ayuu u arkaa midkii ugu fiicnaa ee uu wajahay.

Robertson oo uu xulkiisa Scotland kulan kamid ah kulamada isreeb-reebka Yurub kula balansan yihiin Belgium-ka oo uu Hazard ka tirsan yahay ayaa amaan ugu qubeeyay 28 jirkan.

Robertson oo ka hadlaya wax ku saabsan Hazard ayaa sheegay inuu u qalmo u dhaqaaqista uu u dhaqaaqay Real Madrid isaga oo waliba ku amaanay inuu yahay ciyaartoy khaas ah.

Andrew ayaa yidhi “Sida iska cad waxa jiray warar badan oo xan ah oo isaga ku saabsan waanan hubaa inuu faraxsanaan doono marka ay dhammaato ee uu dhammaystiro

“Isagu ku dhawaad wa ciyaartoyga ugu fiican ee aan kahor tagay marka ay maalintiisa tahay ee kulamadii Premier League, Isagu wuu u qalmaa u dhaqaaqistiisa (Real Madrid)”

“Isagu wuu u qalmaa dhammaan amaanta uu helo waa ciyaartoy cajiib ah, Ciyaartoy heer caalami ah iyo ku dhawaad mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida wakhti xaadirkan”

“Wuu u qalmaa u dhaqaaqistiisa laakiin waxa ay iskugu imanaysaa dhammaan inaan u muujino ixtiraam laakiin anaga oo isku dayayna in aanan u muujin amaan xad dhaaf ah ama inaanu ka cabsanayno”

 

wardeeqnews.com

Maxay Aheyd Fariintii Uu Kepa Arrizabalaga U Diray David de Gea Markii Uu Kala Wareegay Booska Goolhayaha 1aad Ee Xulka Spain?

Kepa Arrizabalaga ayaa fariin u diray goolhaye David de Gea ka dib markii dagaalkooda booksa 1aad ee goolhayaha uu gaaray meeshii ugu qaraareyd.

Isagoo la siiyy kulankiisii seddexaad ee xulka Spain kulankii ay habeenkii Jimcaha ka badiyeen Faroe Islands, waxaa la filayay inuu kulankii xalay ee Sweden uu booska u baneynayo goolhayaha Manchester United.

Laakiin mar kale goolhayaha ugu qaalisan dunida ayaa loo xushay kulankii ay Spain 3-0 kaga badisay Sweden ee ka dhacay Santiago Bernebeu iyadoo De Gea uu ka soo daawaday kursiga keydka.

 

Caawiyaha tababaraha xulka Spain Robert Moreno oo buuxinayay booska tababare Luis Enrique oo maqan ayaa ciyaarta ka dib sheegay in De Gea uusan aheyn mid aan booskiisa la taaban karin sidii hore oo kale.

Waxa ay dharbaaxk ku tahay De Gea kaasoo xilli ciyaareed xun ku qaatay Old Trafford, islamarkaana wadankiisa dhaleeceyn badan kala kulmay ka dib sidii uu u dheelay Koobkii Adduunka ee sannadkii la soo dhaafay.

Goolhayaha Chelsea Kepa ayaana sheegay inuu hubanti ka dhigi doono inuu sii ahaado goolhayaha koowaad ee xulka Spain.

“Mar walba waxaa ina hareeya arimo muran dhaliya, laakiin waa inaan si dabiici ah u qaadano.” Ayuu yiri Kepa ciyaarta ka dib.

“Waan ku faraxsanahay inaan ciyaaray, inaan caawiyay xulka iyo inaan xilli ciyaareedka ku dhameystay sida ugu fiican.

“Waxaan sii wadi doonaan inaan u shaqeeyo sida aan ilaa iyo haatan soo sameeyay, inaan shaqada ugu fiican u qabto xulka oo aan sii heysto kalsoonida tababaraha.

“Qofkii ciyaaraba shaqo fiican ayuu qaban doinaa. Dabcan waan fahmi karaa in David uu murugeysan yahay, tababar ayaan dhamaanteen u qaadanaaa inaan ciyaarno, ka dibna waa go’aanka tababaraha, adiga ayay kugu xiran tahay inaad si wacan uga jawaab celiso.”

 

.wardeeqnews.com

XOG: Cristiano Ronaldo Oo Lionel Messi Ku Garaacay Dhanka Koobabka Inkasta Oo Uu Ku Jiro Xilli Ciyaareedkiisii Ugu Xumaa Muddo 10 Sano Ah

Cristiano Ronaldo ayaa diwaan gashaday xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa ee dhanka goolash muddo 10 sano ah laakiin waxa uu xilli ciyaareedka ku soo xidhay koobab uu kaga badan yahay xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi.

34 jirkan ayaa dhaliyay kaliya 28 gool iyo 14 caawin 43 kulan uu u ciyaaray kooxda Juventux xilli ciyaareedkii dhamaaday taas oo ah rikoodhkii ugu xumaa ee gool dhalintiisa 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Si kasta ha ahaatee waxa uu ku dhamaystay si cajiib ah xilli ciyaareedka isaga oo xulka qaranka Portugal kula guulaystay koobka UEFA National League iyaga oo Finalkii 1/0 ku garaacay xulka qaranka Holland kaas oo ah koobkii 3-aad ee uu ku guulaystay xilli ciyaareedkan marka lagu daro Italian Super Cup iyo Serie A-da.

Lionel Messi ayaa dhanka kale ku raaxaystay xilli ciyaareed cajiib ah dhanka goolasha isaga oo dhaliyay 51 gool iyo 22 caawin 50 kulan oo uu u saftay kooxdiis Barcelona.

Si kasta ha ahaatee dhanka Koobabka Waxa uu ku guulaystay kaliya horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Cristiano Ronaldo ayaa xitaa haatan kaga horeeya dhanka qiimayn in uu ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or 2019 kadib markii uu ku guulaystay 3 koob xilli ciyaareedkan.

Qiimaynta Lionel Messi ee ku guulaysiga abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu qiimaha badan kubada cagta ayaa hoos u dhacday kadib markii ay Barcelona ka hadhay Champions League sidoo kale Valencia ka qaaday koobka Copa del Rey-ga.

wardeeqnews.com

Kadib Matthijs de Ligt, Cristiano Ronaldo Oo Xididg Real Madrid Jooga Ku Shukaaminaya In Uu Kula Biiro Juventus

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa isku badalay wakiil kooxda Juventus ah maalmihii ugu dambeeyay isaga oo si gaar ah ula hadlaya xiddigaha si uu ugu qanciyo in ay kula biiraan kooxda Juventus.

Da,yarka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa shaaca ka qaaday in uu Ronaldo u sheegay in uu kula biiro kooxda Juventus kadib finalkii UEFA National League ee uu xulka qaranka Portugal ku guulaystay.

Waxa ay u muuqataa in uu Cristiano Ronaldo arintaas sii wadi doono isaga oo haatan isku dayaya in uu xidiga kooxda Real Madrid ee Marcelo ku qanciyo in uu kula biiro kooxda Juventus xagaagan.

Wargayska TuttoSport ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo la xiriiray xiddiga reer Brazil ee Marcelo si uu ugu qanciyo in uu Kula biiro kooxda Juventus xagaagan.

Booska Marcelo ee kooxda Real Madrid ayaa khatar ku jira xilli ay kooxda Real Madrid ku dhawdahay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Lyon ee Ferland Mendy.

Isaga oo arintaas adeegsanaya ayuu Cristiano Ronaldo Marcelo u sheegay in uu kula biro kooxda Juventus xagaagan si ay mar kale isaga garab ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

Waxa xusid mudan in Marcelo iyo Cristiano Ronaldo ahaayeen xiddigaha isugu dhaw intii uu Cristiano Ronaldo joogay kooxda Juventus.

wardeeqnews.com