Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Banaanbax looga soo horjeeday Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeeday Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxa oo ay dhigayeen dad Shacab ah oo la soo abaabulay ayaa xalay ka dhacay degmoouin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay muddo kordhinta u sameeyeen Golaha Shacabka.

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka dhan ah Farmaajo ayaa socod ku maray  dhowr isgoys oo ka mid ah Jidka Wadnaha, laga soo bilaabo Isgoyska Jiirada, Sanca, Jardiinka, Siinaay illaa nawaaxiga Xararyaale.

Waxaa ay banaanbaxayaasha ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid yihiin doonimeyno Farmaajo ee ha dhaco, iska bax Farmaajo, kaligii talis doonimeyno iyo Erayo kale.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay in dalka uu ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah sidoo kale uu yahay kaligiis talis, isla markaana ay doonayaan in uu iska baxo waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, iyaga oo dadka banaanbaxa dhigaya ay dalbanayaan in Farmaajo uu iska baxo si loo qabto doorasho.

wardeeq news
RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed