Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka CABDIRASHIID JANAN OO SHAACIYAY SABABTII AY ISKU KHILAAFEEN AXMED MADOOBE

CABDIRASHIID JANAN OO SHAACIYAY SABABTII AY ISKU KHILAAFEEN AXMED MADOOBE

Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u eedeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

 

Cabdirashiid Janan ayaa si rasmi ah u shaaciyay sababaha aay isku khilaafeen madaxweyne Axmed Madoobe inay tahay inuu isaga kaliya jecel yahay inuu noqdo qofka ugu sareeyo iyo qofka ugu hooseeyo ee Jubbaland, isla mar ahaantaana uusan ogoleyn qof kale inuu wax ahaado, waa sida uu hadalka u dhigay Cabdirashiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.
“Saaxiibkay Axmed Madoobe waxaan u sheegay in uu kaligiis rabbo afkaartiisa lagu socdo, qofkii ka fikir duwana uusan doonaynin” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
Janan ayaa sidoo kale ku eedeyay Axmed Madoobe inuu ku fashilmay muddo laga joogo laba sano doorashadiisii kadib inuu soo magacaabo Golahiisa wasiirada maamulka Jubbaland.

 

Eedeynta kulul ee kasoo yeertay Cabdirashiid Janan ayaa imaaneysa xili dhawaan dowladda Soomaaliya aay keentay magaalada Muqdisho kadib heshiisyo aay wada galeen isaga iyo dowladda Soomaaliya.







RELATED ARTICLES

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Sida looga takhaluso dufanka uurku jirta: Cabitaannada sonkorta leh waxay kordhiyaan xaddiga dufanka caloosha ee aad sidato

Baruurta visceral waxaa badanaa loo yaqaanaa dufanka caloosha, waxayna u egtahay inay ku duubmaan xubnahaaga gudaha. Waxaa loo tixgeliyaa inay tahay dhibaato caafimaad oo...

Facebook Feed

Twitter Feed