Maraykanka, Israel iyo Imaaraadka oo yeeshay kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah Iran

Sida ay qortay axios Dowladaha Mareykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah Dowladda Iiraan. Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa lasoo  sheegay inay seddexda Dowladood uga hadleen sidii xal looga gaari lahaa xiisadda u dhaxeyso Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan si Bariga Dhexe u noqdo aag nabadoon. Seddexda Dowladood ayaa isku soo hadal...

Madaxweyne Erdogan Oo Digniin Culus U Diray Syria Iyo Sababta Keentay

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Syria inay ciidamadeeda kala baxdo goobaha kormeerka militari ee gobolka waqooyiga bari ee Idlib, halkaasi oo iskudhacyo xooggan ay ka dhaceen maalmihii tagay. “Xilligan, laba ka mid ah 12-keena goobood ee kormeerka waxay ka dambeeyeen qadadka taliska Syria. Waxaan rajeeneynaa inay ka hor bisha Febraayo ay halkaas kala baxaan ciidamadooda,” ayuu Erdogan...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay degaano ay heystaan Koox Mucaarad ah

Ciidanka cirka Dawladda Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay 200 oo duqaymo kala duwan ah ku garaacay deegaanada ay haystaan kooxaha mucaaradka oo ay kamid tahay magaalada Idlib. Duqaymahaas ayaa dhacay sedexdii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Siiriya ay ku bartilmaamsadeen koocaha mucaaradka ah balse waxaa ay duqaymahaas dhibaato xoogan u gaysteen dadka rayidka ah eek u dhaqan deegaanadaas. Wakiilka...

Madaxweyne Trump Oo Shaaciyay Qorshihiisa Nabadeynta Bariga Dhexe

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaas oo dhigaya in magaalada Quddus noqoto caasimadda Israel ee aan qaybsamin. Wuxu soo jeediyey in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad madax bannaan iyo in loo aqoonsado goobaha Yuhuudda lagu deegaameeyey ee Daanta Galbeed in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israel.

Nin Ameerikaan madow ah oo midab takoor awgii loo diiday in uu bangi lacag dhigto

Nin Ameerikaan madow ah ayaa dacwoad ku soo oogay bangi ku yaal magaalada Detroit ee dalkaasi Mareykanka ka dib markii shaqaalaha bangigaasi sida uu sheegay ay cunsuriyad kula dhaqmeen oo ay u diideen in lacag uu dhigto bangigaasi. Shaqaalaha bangiga ayaa booliska ugu wacay Sauntore Thomas oo doonayay in bangigaasi uu dhigto lacag magdhow ahaan loo siiyay ka dib midab...

Iran oo ogolaatay in ay dhiibto sanduuqa madow ee diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay soo ridday

Xukuumadda Tehran ayaa shaaca ka qaaday in ay ku wareejineyso Ukrain sanduuqa madow ee diyaaradda rakaabka aheyd ee ay soo ridday 8-dii bishan Janaayo . Diyaaraddan oo lala dhacay labo gantaal oo is-xiga ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 176 qof oo 10 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda, halka 166-da kalena ahaayeen rakaabkii diyaaradda oo u badnaa dad dhalasho...

Mareykanka oo Eryey in ka badan 20 Askari oo Sacuudi ah iyo sababta keentay

Kow iyo labaatan askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga ayaa laga soo eryay dalka Mareykanka, halkaasoo uu tababar uga socday. Ciidankan ayaa la eryay kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Amerikaan ah. Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u...

Iiraan oo ciyaaraysa Siyaasad Cajib ah iyadoona saaxiib ka dhiganaysa qaar kamid ah dalalka xulafada la ah Mareekanka

nka Iiraan  oo ciidanka nabadgelyada ee Iiraan ay xireen muddo 3 saac ah kaddib dibadbaxyo waaweyn oo kadhacay Tehraan ayaa dib u helay xorriyaddiisa, Qabashada danjiraha ayaa timid kaddib markii lagu eedeeyey in uu taageeray Bannaanbax looga soo horjeedo xukuumadda Iiraan kaddib markii ay qiratay in ay si qalad ah u ridday diyaaraddii UIA taas oo ay kudhinteen 176 qof...

Banaanbaxyo lagu dalbanayo inuu is casilo Aayatllaahiga Iiraan oo kasocda Tehran + Trump oo bogaadiyay Banaanbaxayaasha.

wadooyinka waa wayn ee caasimada dalka Iran kuwaas oo dalbanaya in uu iscasilo hogaamiyaha dalkaasi Ayatullah Cali Khamanii. Dibad baxyaasha ayaa ka careesan diyaaradii dhawaan ay soo riday dowladda Iran taas oo ay Iran ku sheegtay in ay usoo dhacday si kam ah. Dibad baxyada ayaa ka dhacay afaafka hore ee labo jaamacadood oo ku yaalo caasimada Tehran. Safiirka u fadhiyo dowladda...

Cabsi laga qabo in Al-Shabaab weeraraan Meelo ka mid ah Kenya markale

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi. Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi. Gudoomiyaha gobolka Waqooyi Bari...

Wardeeq24 Tv