Dowladda oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaa soo ku sugnaa degaano ku yaallo gobolka Jubadda Hoose ka dib markii halkaasi ay howlgal ku fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay Maxamed Xuseen(Abuu Muxsin) oo sheegtay in dowladdu in uu qaabilsanaa Qaraxyada gobolka Jubadda Hoose Al-Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Cabdi Dheere oo Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Jubbadda Hoose.

Marka laga soo tago hadalka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ma jiro ilo madax banaan oo Cadeyn kara Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Weerarka ay fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, iyo sidoo kale sheegashadda shaqsiyaadka dowladdu ay sheegtay in ay dishay.

NISA Oo Sheegtay Inay Shabakad Qaraxyo Ah Ku Qabatay Muqdisho

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Caawa soo Bandhigay Shabakad ay sheegeen inay qaraxyada u qaabil-saneyd Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal Ciidanka amniga ka fuliyeen Muqdisho intii u dhexeeysay 26 ilaa 28 bishaan lagu soo qabtay Shabakada Qaraxyada ah iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.

Shirka Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo lagu ansixiyay 33-qaraar

Maalintii labaad waxaa Magaaladda Ouagadougou ‘’Waakadhuugu’’ ee Caasimadda Dalka Burkina Faso ka socda Kalfadhiga15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana maanta kulan gaar ah yeeshay guddiga qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dibadda oo ansixiyay 33-qaraar oo lasoo gudbiyay kulankii dhacay daba yaaqadii sanadkii 2018.

Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ .

Dhinaca kale qaraarkan waxa uu ku baaqayaa in dhamaan dowladaha xubnaha ka ah midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in laga faa’ideysto fursadaha maalgashi ee xiligan ka banaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira dhowr qaraar oo wada taabanaya ama khuseeya inta badan dalalkan oo ay ka mid yihiin in guud ahaan dalalkan midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ay meel uga soo wada jeestaan talaabo walba oo sharci dara ah oo lagu cuna qabateynaayo wadamada Islaamka,qaraar ka hadlaya dhibaatooyinka Tahriibka iyo Qaxootiga ee caalamka Islaamka, iyo qaraar ku saabsan sidii loo taageeri lahaa muslimiinta ku nool wadamada looga tirada badanyahay.

Sidoo kale waxaa shirkan barbar socday shirka 8-aad guddiga joogtada ah ee Arrimaha Dhaqanka, Qaanuunka,dooda,Ilbaxnimada iyo Diimaha oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socda Dowladaha Carabta,Asia iyo Afrika.

Dowladda Soomaaliya oo Turkiga uga tacsiyeysay injineero oo ku dhintay Qaraxii maanta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ay wehliyeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha,waxa ay booqdeen dadka ku dhaawacmay weerarkii loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ee  lala beegsaday saaka subaxnimadii hore isgoyska ex-control Afgooye oo ah goob dadkeedu badan yahay oo Muqdisho ka tirsan, kuna geeriyoodeen in aan ka yarayn 70 qof oo rayid ah.

Wasiir Cawad waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkani, isagoo u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah, waxaana uu sii xoojiyay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada, iyadoo adkayn doonta nabadgelyada dadkeeda.

Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loogu yiqiin Isbitaalka Digfeer, ayaa Wasiirku waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, isagoo uga tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay.

Shariif “Madaxda ka shaqeysa Muqdisho qaarkood Al-Shabaab ayaa soo xula”

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay abaabuli doonaan Shacabka Soomaaliyeed si looga hortaggo weerarada abaabul ee ka dhaca Muqdisho.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kunool Muqdisho in ay fadhiga ka kacaan si wax looga qabto Xasuuqa ka socda Muqdisho oo ay Qaraxyadu ugu horreeyaan.

“Madaxda ka shaqeysa magaalada Muqdisho qaarkood Al-shabaab ayaa soo xula waan wada ognahay, dowlad kuma noqonkarno sidaan, ummadda Soomaaliyeed ha u istaagto” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Qaraxii maanta ay ku dhinteen 79 ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 147 qof.

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Waxaa isa soo taraya Khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo xalay lagu weeraray hotel ku yaalla Koonfurta Magaalaa Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha qeybta 21-aad C/casiis C/llaahi Qooje iyo Saraakiil kale oo ku sugnaa hotelka xiliga uu weerarka dhacayay.

Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Gaalkacyo, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaarro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda.

Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray shacab iyo Askar ayaa ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Gaalkacyo, halka in badan 20 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay qaraxii gaalkacyo, isagoona tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas.

Sidoo kale dad reer Galmudug ayuu ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan, isla markaana ay meel uga soo wadajeystan Cadowga, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca deegaanada Galmudug.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkii xalay lagu qaaday Hotel ay ku sugnaayeen Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka iyo Taliyaha qeybta 21-aad iyo Saraakiil kale.

Daawo:Soomaliya oo Maraykanka Hubki Iyo Gaadidkii Ugu Casrisana Ka Helaysa

Dowladda Soomaaliya iyo Sharikadda sameysa Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee Navistar ayaa kala saxiixday heshiis ay sharikaddaas ku sameyneyso Gaadiidka Ciidanka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka ayaa shaacisay 25kii Bishan November in heshiiska ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ah qiimo go’an la siiyay sharikadda Navistar, islamarkaana soo saareyso gaadiidka kala ah; 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck, iyo qalabkooda dayactirka ayaa lagu sheegay in sanadka 2022 Gaadiidkaas lagu wareejinayo Soomaaliya.

Gaadiidka ay sameyso sharikaddan ee 7000-MV, ayaa ah kuwa xamuulka dhulka ee ay adeegsadaan Ciidamada kala duwan.

Midkiiba waxaa uu qaadayaa culeys gaaraya 5 Tan,waxaa uu leeyahay qol keydka Hubka ah oo ay Ciidamada dhigtaan waxaa sidoo kale markiiba raaci  kara 20 Askari.

Noocyada gaadiidkan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah kuwo qaadi kara culeyska 13 Tan iyo Askar,waxaa kale oo uu xitaa qaadi karaa Kunteennarada Ciidamada sahayda ku qaataan.

Gaadiidkan qaarkii ayaa waxaa uu la tacaali karaa Miinooyinka,waxaa kale oo uu leeyahay goob ay geli karaan ilaa saddex Nin marka ay qaraxyada waxyeello ka soo gaarto.

Nooca  Wrecker-ka ayaa waxaa uu awood u leeyahay in uu iska difaaco gantaallada, Miinooyinka Dhulka, qaraxyada lagu dhejiyo iyo wixii la mid ah,iyada oo dadka gudahiisa ku jirana ay heli karaan difaac gudaha ah.