Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dagaal Qarar Oo Daxmarey Ciidanka DF iyo Al Shababa Ee Gobolka...

Dagaal Qarar Oo Daxmarey Ciidanka DF iyo Al Shababa Ee Gobolka SH/DHEXE

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelah Dhexe ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Mahaaday, gaar ahaan deegaanka Buurane, waxaana xigay iska hor imaad foolka fool ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa wardeeq news u sheegay in dagaalkaasi ciidamada milatariga Soomaaliya looga dilay ugu yaraan illaa 2 askari, laguna dhaawacay tiro kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka, kadib dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegay gacan ku heynta koontaroolka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo markii dambe dib u gurtay, waxaana ku laabtay ciidamada dowladda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, hayeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha iyo nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelooyinka, waxaana ugu dambeeyey dagaalladii lagu hoobta ee dhowaan ka dhacay degaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka wada tirsan gobolka gobolada sh/ Hoose iyo sh/ dhexe







RELATED ARTICLES

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Sida looga takhaluso dufanka uurku jirta: Cabitaannada sonkorta leh waxay kordhiyaan xaddiga dufanka caloosha ee aad sidato

Baruurta visceral waxaa badanaa loo yaqaanaa dufanka caloosha, waxayna u egtahay inay ku duubmaan xubnahaaga gudaha. Waxaa loo tixgeliyaa inay tahay dhibaato caafimaad oo...

Facebook Feed

Twitter Feed