Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dagaal U Dhexeeya Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ka Socda Degaano

Dagaal U Dhexeeya Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ka Socda Degaano

Dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa lagu warramayaa inuu ka socdo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dagaalka oo sigaar ah uga socda deegaano hoostega degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Hiiraan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka ay weerar ku qaadeen goob ay ku sunaayeen Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo ay isku adeegsanayaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan, wallow aysan caddeyn karin.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidanka weerarka qaaday ay ka yimideen dhinaca Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Buulo-burte, waxaana Saraakiisha Ciidamada qaarkood sheegeen in dagaalka uu yahay mid xoogan.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaano hoostegaBuulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda Saraakiisha Ciidamada ka hadlaan.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona qabsaday deegaano ay ku sugnaayeen Shabaabka, sidoo kalena uu howlgalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

RELATED ARTICLES

Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Magalada Berbera & doorasho ka dhaceysa

Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka dhaceyso Maanta doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo...

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo...

Facebook Feed

Twitter Feed