Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magalada Muqdisho

Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa habeenkii xalay aheyd xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Nabadsugida.

Dilka loo geystay Sarkaalka ayaa ka dhacay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana uu u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoona ay goobta ka baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaas.

Al-shabaab oo ka hadlay dilkii xalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyadiisa, waxaana ay sheegeen inay dileen sarkaal ka tirsnaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa dharcadka.

Sidoo kale Shabaabka ayaa magaca Sarkaalka kusoo gaabiyay Cagaweyne, welina ma jiro wax war hadal oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dilkaas dhacay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, waxaana falalka qaar oo loo geysto Askarta dowladda sheegta Mas’uuliyadooda Al-shabaab.

RELATED ARTICLES

Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Magalada Berbera & doorasho ka dhaceysa

Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka dhaceyso Maanta doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo...

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo...

Facebook Feed

Twitter Feed