Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda federaalka Soomaaliya Ayaa shaacisay inay dishay sarkaal ka tirsan Shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya Ayaa shaacisay inay dishay sarkaal ka tirsan Shabaab

 faah faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Ganey.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta, kana qeyb qaatay weerarkii ka dhacay Awdheegle.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-galkaasi lagu dhaawacay illaa 15 dagaalyahan oo la socday sarkaalkaasi, kuwaas qaarkood u dhintay dhaawacyadii gaaray.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Labadii maalin ee u dambeysay ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Hoose ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.







RELATED ARTICLES

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Sida looga takhaluso dufanka uurku jirta: Cabitaannada sonkorta leh waxay kordhiyaan xaddiga dufanka caloosha ee aad sidato

Baruurta visceral waxaa badanaa loo yaqaanaa dufanka caloosha, waxayna u egtahay inay ku duubmaan xubnahaaga gudaha. Waxaa loo tixgeliyaa inay tahay dhibaato caafimaad oo...

Facebook Feed

Twitter Feed