Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka dambeysay diyaarad sidday wafti Imaaraati

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka dambeysay diyaarad sidday wafti Imaaraati

DF oo war kasoo saartay diyaaraddii sidday waftiga Imaaraadka ee la celiyey

DF oo war kasoo saartay diyaaraddii sidday waftiga Imaaraadka ee la celiyey 30-kii bishii March loo diiday inay ka degto garoon ku yaalla magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

Wafdiga Imaaraadka ee laga hor-istaagay booqashada Garacad ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaana tan iyo markii ay dhacdadas dhacday ku gaadaamnaa su’aalo ku saabsan sababta iyo cidda celisay

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyey in diyaaraddaas ay ayaga celiyeen, sababta loo celiyeyna ay tahay mid amni, oo lagu ilaalinayayey bedqabka duulimaadka, sida uu yiri.




Oomaar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan ka war-heyn in diyaaradda ay saarnaayeen wafti Imaaraati ah, balse ay go’aanka qaateen markii ay heleen macluumaad ku saabsan in aan la isku halayn karin ammaanka garoonka Garacad.

“Waxaa marqaati ka ah shirkadda iyo rakaabka la socday in ay dareemeen amni ahaan in aysan diyaaradu ka degi karin garoonka Garacad, waana idin la wadaagi karnaa sawirro garoonka lagasoo qaaday,” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa imaneysa xilli ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Imaaraadka Carabta, oo marar badan ay dowladda ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa dowladda federalka ku eedeeyey in ay dano siyaasadeed uga faa’iidaysanayaan la wareegidda maamulka hawada Soomaaliya, xilli labada dhinac uu sidoo kale ka dhaxeeyo khilaaf ku saabsan qabashada doorashooyinka dalka.







RELATED ARTICLES

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Sida looga takhaluso dufanka uurku jirta: Cabitaannada sonkorta leh waxay kordhiyaan xaddiga dufanka caloosha ee aad sidato

Baruurta visceral waxaa badanaa loo yaqaanaa dufanka caloosha, waxayna u egtahay inay ku duubmaan xubnahaaga gudaha. Waxaa loo tixgeliyaa inay tahay dhibaato caafimaad oo...

Facebook Feed

Twitter Feed