Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo & khasaaro ka dhashay

Duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo & khasaaro ka dhashay

Diyaarado la sheegay inay leedahay Dowladda Kenya ayaa waxaa ay xalay saqdii dhexe duqeymo dhinaca cirka ah ka bilabeen dhowr degaan oo ku yaal gobolka Gedo,halkaas oo ay ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.

Degaannada duqeynta la sheegay inay ka geysteen Ciidamada Kenya ayaa waxaa kamid ah,, Ceelcade, likooley , laheley, Warburay,  Burcaleen, dhamase, wargaduudo, qulqul shubaal, balanbaal, muudale, abroone,  buusaar cows qurun & Darusalam.

Wararka la helay ayaa sheegaya in duqeynta ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo ahaa Hooyo iyo Cunug ay dhashay,taas oo lagu Magacaabi jiray Sahro Aadan Warsame, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6 qof oo Caruur u badan.

Isgaarsiinta degaannada duqeynta ka dhacday ayaa Hawada ka maqan, iyada oo khasaaraha ka dhashay duqeynta uu intaasi ka badan karo, waxaana dadka ku sugan degaannada kale ee Gobolka Gedo ay sheegeen inay weli maqlayaan duqeynta.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan gobolka Gedo weli kama hadlin duqeyntaas, waxaana ay kusoo aadeeysaa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

RELATED ARTICLES

Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni...

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Facebook Feed

Twitter Feed