Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka ‘Duuliye sare oo Al-Shabaab la qorsheynaya’ inuu weerar diyaaradeed ka fuliyo Kenya

‘Duuliye sare oo Al-Shabaab la qorsheynaya’ inuu weerar diyaaradeed ka fuliyo Kenya

Halis iyo cabsi xooggan ayaa soo wajahday dowladda Kenya kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo qeexaya suuragalnimada mid ka mid ah muwaadiniintooda qibrada u leh duuliyenimada oo ku biiray Al-Shabaab inuu qorsheynaayo weerar diyaaradeed oo Al-Shabaab soo abaabushay ka fuliyo gudaha Kenya.

Sida ay uu baahiyay telefishinka CTV,   Sirdoonka iyo hay’addaha amniga oo macluumaadkaan soo bandhigay ayey ku shaaciyeen in Rashid Mwalimu oo in mudo ah la baadi goobayay ay booliska soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan Rashid Mwalimu oo xiligaan ku sugan Soomaaliya.

Rashid Mwalimu oo booliska la dagaalanka argagixisada baadi goobayaan ayaa waxay ku sifeeyeen nin halis ah khatartiisana leh oo duuliye tababaran, howhsiisana tahay inuu fuliyo howlgal diyaaradeed isagoo xubin ka ah ururka Al-Shabaab.

Hay’adda amniga Kenya ayaa rumeysan in Rashid Mwalimu uu qorsheynaayo in Kenya uu kusoo laabto si uu u fuliyo qorshahiisa Al-Shabaab soo abaabushay.

Warbixinta sirdoon waxay kalooo sheegaysaa in Rashid Mwalimu uu tababar kusoo qaatay dalka Philippines isaga iyo saaxiibkiis Cholo Abdi Abdulla oo bishii July 2019 lagu qabtay dalka Philipine oo uu wax ka baranayay machadka duulimaayada All-Ais.




Qabashada Cholo Abdi ayaa ka danbeysay markii uu saaxiibadiis la wadaagay qorshahiisa ah inuu afduubto diyaarad si uu u fuliyo weerar la mid ah kii 9/11 ee Mareykanka.




Mareykanka ayaa aaminsan in Cholo uu lix qodob oo dambiyo ah uu wajahayo oo la mid ah weerarkii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday isagoo qorsheynayay inuu afduubto diyaarad uu ku fuliyo weerarkii 9/11 oo kale.

Cholo iyo Mwalimu ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow waxayna ku biireen Al-Shabaab sanadkii 2015, iyagoona mar qura tababartay isla markaana fuliyay weeraro joogto ah oo ka dhacay Somalia ka hor inta aan loo dirin qorshaha duulimaad ee loogu soo diyaariyay koorsada duilimaad.
Warbixinta sirdoon waxay kaloo tilmaamtay inay saaxiibo dhow ahaayeen hoggaamiyihii weerarkii hotel DusitD2 ee Nairobi Salim Gichunge “ aruq” iyo Osman Geeddi oo geystay dhimashada dad badan.

Ugu danbeyntii hay’addaha amniga Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyeen sidii warbixin looga heli lahaa Rashid Mwalimu oo qorshahiisu yahay inuu ka dhabeeyo qorsahiisa ah weerar uu ka geysto Kenya.




RELATED ARTICLES

Imaaraadka Carabta oo baabuur dagaal kasoo dejiyey garoonka Boosaaso

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday gadaadiid kuwa dagaalka ah, oo toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay...

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Facebook Feed

Twitter Feed