Friday, May 7, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Xulashada Faah faahin: Khasaaraha ka dhashay madaafiicdii Muqdisho

Faah faahin: Khasaaraha ka dhashay madaafiicdii Muqdisho

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay madaafiic galabta lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Mid ka mida madaafiicdaasi ayaa gudaha ugu dhacay Madaxtooyada, iyadoo mid kalena uu ku dhacay darbiga dambe ee Madaxtooyada, halka madaafiic kale ay ku kala dhaceen xaafadaha ku dhow dhow Villa Somalia ee ka kala tirsan Degmooyinka Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) iyo Boondheere.

Inta laga warqabo saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay madaafiicda ku dhacday xaafadaha ku dhow dhow Madaxtooyada, halka shan kalena ay ku dhaawacantay.

Madfac ku dhacay guri ku yaala Degmada Warta Nabadda ayaa waxaa ku dhintay nin dhalinyaro ah, xilligaa oo sida la sheegay uu hurday. Marxuumka ayaana lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Maxamed Xasan.

Dadka dhaawacmay ayaa u badan arday, ka dib markii madfac uu ku dhacay Dugsi Qur’aan, qaarkoodna ay xaaladoodu culus tahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanay jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay labada madfac ee midka gudaha ugu dhacay Madaxtooyada iyo kan kale ee gidaarka dambe ee dhismaha Madaxtooyada ku dhacay.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in illaa lix madfac ay ku weerareen Aqalka Villa Somalia.

RELATED ARTICLES

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka...

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay dad u dhintay Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 247 xaalado cusub...

Korneyl Doolaal oo maanta XABSIGA laga sii daayey

Jaamac Doolaal oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland oo 11-kii bishii April 2021 ay xukun ku riday Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa...

Facebook Feed

Twitter Feed