Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Xulashada Gabdho wada dhashay oo ku dhintay madaafiicdii Magaalada Muqdisho

Gabdho wada dhashay oo ku dhintay madaafiicdii Magaalada Muqdisho

Fahdi Caddow Cabdi iyo Faa’isa Caddow Cabdi ayaa ku dhintay madfac shaliy ku dhacay gurigooda, oo ku yaala Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Madfacan ayaa ka mid ahaa illaa lix madfac oo lagu weeraray Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, kuwaa oo intooda badan ay ku kala dhaceen xaafado rayid degan yihiin oo ku kala yaala Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere.

Image

Fahdi iyo Faa’isa ayaa ahaa gabdho waxbartay. Sanadkii 2020 ayayna ahayd markii Fahdi ay ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho, iyadoona baratay Kulliyadda Dhaqaalaha.

Cabdicasiis Maxamed Xasan oo nin dhalinyaro ahaa ayaa isna ku geeriyooday madfac ku dhacay hoygooda oo ku yaala Degmada Warta Nabadda, waana xilli ay qoyskiisu sheegeen inuu hurday. Cabdicasiis ayaa dhawaan safar ugu socday dalka Turkiga, si halkaasi uu waxbarashadiisa uga sii wato.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee loo tuuray dhanka Villa Somalia.

Image

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed