Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ganacsade Soomaali oo lagu waayey Kenya oo Meydkiisa la helay

Ganacsade Soomaali oo lagu waayey Kenya oo Meydkiisa la helay

Meydka Marxuum Bashiir Maxamuud Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali-Mareykan ah todobadyadii lasoo dhaafayna la weeysnaa ayaa waxaa laga helay meel 18-KM u jirta Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kadib baadi-goob ay sameeyeen Ciidamada Booliska.

Marxuum Bashiir ayaa la’laa ilaa iyo Maalintii Ciida oo ahayd Khamiis May 13, 2021., waxaana markii cid ugu war dambeeysay la arkay 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari uu watay oo ahaa nooca Range Rove laga helay, isaga oo la gubay nawaaxiga degaanka Kibiku, taas oo dhalisay tuhunka ah in la dilay balse ugu dambeyn meydkiisa la helay.

Bashiir oo Ganacsade ahaa ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay Kenya , hayeeshee musiibadaan deg dega ah ay qabsatay.

Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

Soomalida ku nool Magaalada Nairobi ayaa qaarkood waxaa soo wajahay walwal dhinaca Amniga ah maadaama la dilay in Ganacsade Soomaali Mareykan ahaa, xilli uun ku guda jiray howlihiisii caadiga ahaa.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed