Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo sheegay in isku day dil uu ka badbaaday

Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo sheegay in isku day dil uu ka badbaaday

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Sheekh Cabdi Shafaana ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarajiyo, ka dib markii gaarigiisa lagu rasaaseeyay degmadaasi.

Mid ka mida ilaalada Gudoomiyaha iyo qof rayid ah ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ku geeriyooday tacshiirad ay Ciidamada Militariga ku fureen gaarigiisa. Sidoo kale laba qof ayaa ku dhaawacantay tacshiiradaasi oo mid ka mida uu yahay ilaalada Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee degmadaasi degan ay gaarigiisii soo beegsadeen, xilli uu ku sii jeeday Xarunta Maamulka Degmada.

Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay inaanu garan karin sababta ka dambeysay inay soo hujuumaan Ciidamada Militariga.

“Qiyaastii 30 illaa 40 xabadood ayaa laygu soo furay, Ilaahayna wuu iga badbaadshay, laakiin waxaa ku dhintay laba qof oo midkood ilaaladeeda ka mid ahaa iyo nin rayid ah, nin kale oo boolis ahna wuu ku dhaawacmay iyo qof kale oo rayid ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Ma garan kari sababta, aniga Maamul Degmo ayaan ahay, waxaan u sii socday Xarunta Degmada, abaarihii 3:12pm ayay ahayd markii ay dhacdadaasi i qabsaneysay, Al Xamdulillah waana ka badbaaday. Alle dile ayaa dhinto.”

Cumar Shafaana ayaa si adag Ciidamada Militariga ugu eedeeyay inay ugu talagaleen inay dilaan, balse uu ku badbaaday waqtigiisa oo wax ka harsanaa.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee aagga Degmada Baraawe, Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid shil ah, ka dib markii ay kala shakiyeen ciidamadiisa iyo ilaalada Gudoomiyaha, waana xilli sida uu sheegay ay ku daba jooggeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo gudaha loo soo geliyay degmadaasi.

Taliyaha ayaa tilmaamay in gaariga ay baadigoobka ugu jireen iyo kan Gudoomiyaha Degmada Baraawe ay isu nooc yihiin, halkaasina uu kala shakiga ka yimid.

“Ku talagal uma aanan weerarin, anagu waxaan raadineynay, difaacna aan uga jirnay, baadigoobkiisa iyo baaristiisana aanba markiiba wadnay gaarigaas qaraxa ah, noocaas-na ah ayuu ahaa.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Gudoomiyaha maynaan weerarin, awal horaa weerari lahayn, degmadiisa iyo ilaalintiisaa ku jirnay intaasoo sano. Been iyo borabogaando lama rabo, sidaas ayayna wax u dhaceen.”

RELATED ARTICLES

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Facebook Feed

Twitter Feed