Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Hoggaamiyihii kooxda Boko Xaraam Oo is Qarxiyay

Hoggaamiyihii kooxda Boko Xaraam Oo is Qarxiyay

Abuubakar Shekaw ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo kooxdaas.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekaw uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray ka dib dagaal dhex maray labada kooxood.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekaw uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday ka dibna la arkay.

Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

Cod la soo duubay oo aanan la ogeyn xilligga la duubay ayaa loo maleynayaa in uu yahay hoggaamiyaha garabka la baxay dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika (Iswap ), Abu Muscab Al Barnawi, oo sheegayo “In Abuubakar Shekau uu si degdeg ah isku qarxiyay ka dib markii uu isku xiray waxyaabo qarxa.”

“Dagaalyahannada Iswap ayaa baacsanayay dagaal oogaha, isla markaana siiyay fursad ah in uu ka tanaasulo fikraddiisa, si uu ugu biiro kooxda,” ayaa lagu yiri codka laga soo duubay Al Barnawi.

“Shekau ayaa doorbiday in iska takhaluso intii uu isaga lagu bahddili lahaa dunida,” ayaa yiri qofka codkaas soo duubay.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed