Home

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa rasaas laga dhex maqlay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay inay aheyd rasaastaas mid u dhaxeysay qaar mid kamid ah Maxaabiista oou u hub Gacanta u galay iyo ilaalada Xabsiga.

Maxaabiistan ayaa la aamisan yahay inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab. Illaa hadda ma cadda tirada maxaabiista ku lugta leh weerarka lagu qaaday ciidamada ilaalada xabsiga. Cidamada amniga ayaa weli hawlgal ka wada xabsiga.

Ilaa haatan rasmi ahaan uma soo bixin khasaaraha ka dhashay rasaastan la isku weydaarsaday xabsiga dhexdiisa, waxaase wararku sheegayaan inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dhacdadan.

Saraakiisha xabsiga dhexe iyo taliska Ciidanka Asluubta Somaaliyeed weli wax faah faahin ah kama bixin dhacadada Galabta ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe oo ay ku xiran yihiin dad loo heysto dambiyo kala duwan oo ay kamid yihiin inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha sida weyn loo ilaaliyo ee dowladda Soomaaliya,waxaana ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed.

DEG:-Rasaas laga dhex maqlay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Goordhow ayaa waxaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada muqdisho oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee gobolkan Banaadir waxaa laga dhex maqlay rasaas ka dhaceysa Gudaha Xabsiga.

Weli lama oga cidda ku dagaalameysa Gudaha Xabsiga,hayeeshee warar aan la xaqiijin ayaa waxaa ay sheegayaan in Nin kamid ah Maxaabiista xabsiga uu uu gacanta ku dhigay Qoray,isla markaana uu rasaas bilaabay.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay rasaasta uu furay qofka maxbuuska ahaa, iyada oo Ciidamada Asluubta iyo kuwo Boolis ah ay wadaan sidii Ninkaasi lagu qaban lahaa.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la xiriirnay si aan wax uga ogaano rasaasta laag dhex maqlay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho balse nooma suurtagelin.

Wararka kusoo kordha kala socda wardeeqnews.com

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Goob Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Luuq ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid, kadib markii xubno hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Luuq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo socday.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo dhinacyada ay isdhaafsanayeen, iyadoo dadka deegaanka ay dareemeen casbi, wallow markii dambe uu dagaalka istaagay.

Al-shabaab warar qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkii ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ay Ciidanka Itoobiya uga dileen Hal Askari, halka tira kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro isugu jiray mid toos ah iyo qaraxyo ku qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana inta badan weeraradaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan oo gaaray Ciidamada Itoobiya.

WARDEEQ NEWS

Dalaka JDS Somaliland Oo Heshiis Cusub La Saxiixatay Shiinaha

Somaliland ayaa sheegtay in ay heshiis la gaartay dalka Shiinaha, heshiiskaas oo ku saabsan iskaashi u dhexeeya labada dhinac, waxaana Magalada hargeysa ee xarunta Somaliland ku sugnaa seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay wafdi ka socda Shiinaha.

Wafdiga Shiinaha ayaa waxa hoggaaminayay Wakiilka Shiinaha u qaabilsan iskaashiga Africa Ambassador Zhou Yuxiao, waxaana Madaxtooyada Somaliland kusoo dhaweeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland oo war kasoo saartay kulanka oo Hargeysa kusoo gaba-gaboobay ayaa sheegtay in labada dhinaca ayn ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay  ka mid yihiin iskaashiga dhaqalaha, Ganacsiga iyo Horumarka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo  iskaashiga Caalamiga ah Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ay Shiinaha iyo Somaliland ka wada hadleen xoojinta xariirka u dhexeeya Dowladda Shiinaha iyo Xukuumadda Soomaliland.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweyday xiriirka cusb ee ay yeelanayaan labada dhinac, waxaa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqaynta, ayna waddamada caalamka kula dhaqmayaan siyaasad ku dhisan fur-furnaan.

Wafdiga ka socda Shiinaha ayaa maal-mahan ku sugnaa Somaliland iyagoo madaxweynaha la yeelanayay kulamo, waxaana la sheegay in ay kala hadleen arrimo dhowr ah,  balse wararka qaar ayaa sheegay in Somaliland lagu cadaadinayo sidii ay xiriirka ugu jari laahyd Taiwan oo ay dhawaan ku dhaqaaqday Somaliland in ay xiriir cusub la yeelatay, inkastoo ay sheegeen in arrimaha laga wada hadlay aysan ku jirin xiriirka Somaliland iyo Taiwan.

WARDEEQ NEWS

Howlgal Culus Oo Ka Socda Magaalada Guriceel

Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa howlgalo kala duwan ka wada Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu qaaday Guri ku yaalla Xaafadda bilan gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Qaaxada, waxaana deganaa Sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Nabadsugida Galmudug, kaasi oo ka badbaaday weerarka.

Ciidanka Booliska Galmudug ayaa howlgalo kala duwan ka wada Guriceel, iyagoo ku raadinaya raggii ka dambeeyay weerarkii Bam gacmeedka ahaa ee halkaas ka dhacay, iyagoo baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Ciidamada ayaa su’aallo dhowr ah weydiinaya dhalinyarada iyo goobo ganacsi oo la sheegay in Ciidanka amniga ay bartilmaameed u yihiin, isla markaana howlgalkaas uu yahay mid qorsheysan.

Ma jiro Khasaaro ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Guriceel, waxaana weerarkaas uu noqonayaa midkii ugu horreeyay ay muddo 12-sanno, kadib  ka dhacay halkaas, iyadoona Sarkaalka ka badbaaday uu kamid ahaa Ururkii Ahlusunna ee Galmuduga laga saaray. 

WARDEEQ NEWS

Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku taalla agagaarka Xaruntii Xisbiga ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Jugta qaraxas ayaa siweyn looga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu dhuftay Albaabka hore ee Xerada Guutadda 12-ka April.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo dad shacab ah oo Xerada ka Agdhawaa.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkii xooganaa ee Maanta lagu qaaday xerada ay degan yihiin  Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo Burbur gaadiid, in kastoo aysan shaacin tirro Khasaaro ah oo ka dhashay weerarka, iyadoo Warka ay soo saareen Shabaab, intaas lagu ekeeyay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Booliska dowladda oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay Xerada Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka

WARDEEQ NEWS

Mareykanka Oo Digniin Adeg U Diray Saddex Dowladdood

Mas’uul sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa digniin u diray waddamada doonaya iney saameyn ku yeeshaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ee sanadkan 2020-ka dhaceyso.

War murtiyeed uu soo saaray agaasimaha Sirdoonka qaranka Mareykanka Willian Evanina wuxuu sheegay waddama shisheeye inay ku howlan yihiin “saameyn iney ku yeeshaan” cod bixinta doorashada.

Waddamadan “iney kala doorbidayaan cidda doorashada ku guuleysaneyso,” ayuu intaa ku daray.

Mas’uulkan sare ee sirdoonka Mareykanka wuxu sheegay Ruushka inuu faragelin uu ku sameeyey doorashadii 2016-ki dhacday oo uu madaxweyne Trump uu ka caawiyey ololahiisa dooorashada.

Balse Ruushka ayaa eeddaasi gaashaanka u daruuray. Madawyene Trump oo Jmcihi shir jaraa’id qabtay oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan inuu ka qaado faragelinta uu sheegay in lagu hayo doorashada Mareykanka, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay maamulkiisu in “si dhow uu ula soconayo” arrinta.

Hadalka ka soo yeeray mas’uulka sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweyne Trump uu walaac ka muujiyey codbixinta doorashada ee ay dadku ku dhiibanayaan dhanka boostada.

WAR, DEG, AH,, Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ismiidaaminta Ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan barqanimadii Maanta lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo kaabiga ku heysa Garoonka Stadium Muqdisho oo bishii hore dib loo furay.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari aan weli noociisa la sheegin oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xerada Guutadda 12-ka April ee Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo shacab ah ayaa ka dhashay qaraxaas oo Jugtiisa siweyn loo maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 9 Askari oo ka tirsan Ciidamadii ku sugnaa Xerada ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka in ka badan 12 qofna ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo gaadiidka Gurmadka deg Deg ah looga soo qaaday goobta, isla markaana lagu geeyay Xarumaha Caafimaadka ee Caasimadda.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkii xooganaa ee Maanta lagu qaaday xerada ay degan yihiin  Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo Burbur gaadiid, in kastoo aysan shaacin tirro Khasaaro ah oo ka dhashay weerarka, iyadoo Warka ay soo saareen Shabaab intaas lagu ekeeyay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku soo beegmayaa, iyadoo todobaadkii hore Qarax Caasimadda uu geystay Khasaaro kala duwan.

WARDEEQ NEWS

Dagaal Dhexmaray Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab

Al-shabaab iyo ciidanka Millateriga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dagaalamay duleedka  Magaalada Marka  ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay in dagaalkaas uu khaasaare ka dhashay.

Dagaalka ayaa  yimid ka dib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Millateriga ku leeyihiin degaanka Ceeljaale oo ah duleed magaalada Marka.

kala soco wararka wardeeqnews