Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidanka Kumaandoosta Soomaliyeed Ka Sameyen...

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidanka Kumaandoosta Soomaliyeed Ka Sameyen Shabeellaha Hoose

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabtay Xubno ka tirsana Ururka Al-Shabaab una qaabilsanaa Ururinta lacagaha  laga qaado dadka ku nool degaanka Cali Boorow.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in weli howgallada ay ka socdaan degaanka Cali Boorow & degaannada kale ee ku dhow dhow si looga saaro Al-Shabaab oo mararka qaar degaannadaasi taga.

Majirin intii uu socday howlgalka dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, balse la sheegay in Ciidamada sidoo kale ay guri Guri u baarayeen degaanka Cali Boorow oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

.Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar dagaal uu ku dhexmaraa Ciidamada dowladda & Al-Shabaab kadib markii Al-Shabaab ay weeraraan saldhigyada Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed