Iiraan oo marinka Hormuz ku qabsatay laba markab oo nooca shidaalka qaada ah oo ay UK leedahay

Share this:

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeremy Hunt, ayaa sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay" qabsashada Iiraan ee labada markab.

Stena Impero ayaa ku safrayay calanka Britain halka Mesdar uu ku safrayay calanka Liberia balse waxaa laga leeyahay Britain.

Milkiilayaasha markabka Stena Impero kaas oo ay damiin ka tahay Sucuudi Carabiya, ayaa sheegay in aanay u suuragelin inay markabka la xiriiraan haatanna "uu ku sii socdo dhinaca waqooyi ee Iiraan".

Waxa ay sheegeen in 23 qof ay markabka saarnaayeen ay marinka Hormuz ku soo hujuumeen "koox aanan la garanayn oo doonyo watay diyaar qumaati u kacdana ay wehlinaysay".

Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa "si degdeg ah" wararkaasi u eegaya

Guddiga degdega ah ee dowladda ayaa waxa uu ku shirayaa Whitehall si uu arrinta u falanqeeyo.

Bar internet-ka oo la socota dhaqdhaqaaqa badda ayaa sidoo kale waxa uu ku warramayaa in markab kale oo nooca saliidda qaada ah oo xiriir la leh UK uu u weecday dhinacaas iyo Iiraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ay ka warqabto wararka sheegaya in markab labaad oo lagu magacaabo MV Mesdar oo ku safrayay calanka dalka Liberia balse Britain laga leeyahay.

Dhacdooyinkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad sare oo u dhaxaysa UK iyo Iiraan.

Lahaanshaha sawirkaSTENA BULK
Image captionMarkabka Stena Impero

Wakaaladda wararka ee Tasnim oo soo xigatay Hay'adda Dekedaha iyo Badda ee Iiraan ayaa sheegay: "Waxaa ina soo gaaray warar sheegaya in markab shidaal qaada oo Britain ay leedahay oo lagu magacaabo Stena Impero uu dhibaato sababayo.

"Waxaannu ciidammada miltariga waydiisannay in markabkan ay geeyaan dekadda Bandar Abbas si halkaas loogu sameeyo baaritaanka loo baahan yahay."

Wakaallada wararka ee u janjeerta Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegtay in markabka loo qabtay saddex shuruuc oo uu jabiyay awadeed: waxa ay damiyeen khadka GPS ee lagu ogaado hadba meesha uu markabka marayo, waxa uu marayay meesha looga baxo marinka Hormuz halkii uu mari lahaa barta laga soo galo iyo in markabku uu iska dhegatiray digniino loo jeediyay

 

Jully 20 2019 hasan kaafi abdirahmaan