Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ilaalada Villa Somalia oo hawlgal ka sameeyay xaafadaha ku teedsan Madaxtooyada

Ilaalada Villa Somalia oo hawlgal ka sameeyay xaafadaha ku teedsan Madaxtooyada

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee loo yaqaano Koofi Kacasta ayaa maanta hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay xaafadaha ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada.

Hawlgalka oo bilowday aroornimadii hore ee saakay ayay ciidamada ku baarayeen xaafadaha, iyagoona ku soo qabqabtay dhalinyaro badan.

Hawlgalka oo laga sameeyay aagga Jamaal Cabdinaasir, Daljirka Daahsoon, Fiyooraha, Ceelgaabta, Sayidka iyo kuwa kale ee ku dhow dhow ayaa dadka lagu soo qabqabtay waxaa ka mid ah Shaqaale Dowladeed.

Dadka hawlgalka lagu soo qabqabtay oo dhalinyaro u badan ayaa isku shaandhayn lagu sameeyay, iyadoona intooda badan dib loo sii daayay, halka intii kalena ay horey u kaxeysteen ciidamada.

Ciidamada Dowladda ayaa mararka qaarkood hawlgalo ceynkani oo kala ah ka sameeya xaafadaha ku teedsan Madaxtooyada, waana hawlgalo amniga lagu xaqiijiyo.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed