Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo ka bilaawday Muqdisho & Gobolada

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo ka bilaawday Muqdisho & Gobolada

gobollada kale ee dalka waxaa saakay ka bilowday imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare, kaas oo ay si mideysan u qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Imtixaanka Shahaadiga oo ay Maanta u fariisteen in ka badan 42,000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ayaa waxaa daahfuray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) oo ay wehlinayeen Wasiirka Waxbarashada iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ay Maanta u suurto gashay inay si rasmi ah u dah furaan qaadista imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12aad, sidoo kalena ay muuqato in dowladda Soomaaliya & Waalidiintaba ay doonayaan inay Carruurtooda wax bartaan.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji  ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare uu maanta ka bilowday Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Jubbaland laguna galayo 121 Goobood marka laga soo bilaabo Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale Wasiirku sheegay in Mamulka Puntland ay Imtixaanka horay u  qaadeen una farsiiteen in ka badan 5,000 ( Shan kun) oo Arday, sidoo kalena sanadba sanadka ka dambeeya ay kordhayaan ardayda galeysa Imtixaanka.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, waxaana mararka qaar ay cabasho xoogan ka timaadaa Ardayda, hayeeshee cabashadaas qaarkood la xaliyo qaarna halkaas looga gudbo

RELATED ARTICLES

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo...

Qaramada Midoobey Oo Balan Qaad Cusub U Sameeysay Galmudug

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa madaxtooyada Maamulka ku qaabilay wafdi ka socday Hay’addaha Qaramada Midoobey ee kala ah IOM, WHO,...

Facebook Feed

Twitter Feed