Friday, June 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Israsaaseyn ka dhacday Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Israsaaseyn ka dhacday Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Israsaaseyntan ayaa maanta ka dhacday Isgoyska Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay kala shakiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka.

Ciidan militari ahaa oo xilligaa wadada marayay ayaa furay rasaas la sheegay inay wadada ku furanayeen, xilligaa oo mashquul uu ka jiray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidan kale oo wadada ku sugnaa ay ka shakiyeen ciidamadaasi, taasoo dhabaha u xaartay iska horimaadkaasi.

Goobjooge ayaa sheegay in labada ciidan ay goor dambe is garteen, isla-markaana ay xaaladda goobta ku soo laabatay mid caadiya.

Goobjoogaha oo magaciisa ka gaabsaday ayaa tilmaamay in haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka ay ku geeriyootay iska horimaadkaasi.

Dadka reer Muqdisho kuma cusba iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada, sababtaba haku timaadee.

RELATED ARTICLES

4 xeeladood isticmaal haddaad xiriir haasaawe la leedahay qof aad isla shaqeysaan

Waqti badan ayaan ku qaadannaa goobta shaqada maalin walba.  Daraasado dhowr ah ayaa muuhiyay in tiro badan oo ka mod ah dadka isla shaqeeya ay...

Aqriso;- Shan arrimood oo uu ballan-qaaday Cabdikariim Axmed Mooge – Maayirka cusub ee Hargeysa

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas...

Tirada;- Gabdhaha Soomaalida ee lagu la’yahay Nairobi oo korortay iyo wararkii ugu dambeeyay

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay gabdhaha Soomaalida ah ee lagu la’yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkooda lacag badan oo...

Facebook Feed

Twitter Feed