Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Jabuuti oo ka jawaabtay eedayntii dowladda Soomaaliya

Jabuuti oo ka jawaabtay eedayntii dowladda Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dolwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku laheyd bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka.

Jabuuti ayaa haddaba sheegtay in ay ku mowqif tahya Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahay eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay.

Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”

Waxa uu wasiirku intaasi ku daray: “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.”

Dowladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo.

“Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.”

Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay wadammada Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay inay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

wardeeqnews.com

RELATED ARTICLES

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Facebook Feed

Twitter Feed