Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Lamaane arooskooda uu ka dhacay hawada sare

Lamaane arooskooda uu ka dhacay hawada sare

Lamaanahan oo u dhashay dalka India ayaa arooskooda uu ka dhacay hawada sare, ka dib markii ay diyaarad kireysteen, iyagoo markaasi ka baxsanaya awaamiirta ay dowladda dalkaasi ku xakameynayso faafitaanka xanuunka COVID-19.

Awaamiirta ay horaan soo rogtay Xukuumadda Delhi ayaa dhigayay inaanay konton qof ka badan ka qaybgeli karin xafladaha aroosyada, balse arooskan ka dhex dhacay diyaaradda SpiceJet ayaa waxaa ka qaybgalay boqol iyo lixdan qof.

Maamulka Duulista Rayidka ee India ayaa amar ku bixiyay in la baaro dhacdadaasi, haddii Gobolka Tamil Nadu oo ay ka ambabaxeen uu ka dhaqangalay sharciga adag ee lagula dagaalamayo COVID-19.

Lamaanahan oo iska abaabulay Magaalada Madurai ee Gobolka Tamil Nadu ayuu laba saac qaatay arooskoodan ka dhacay hawada sare.

Warbaahinta dunida ayaa ka faalloonaysa dhacdada toddobaadkan loogu hadalhaynta badan yahay dalkaasi India.

Image

Image

Image

RELATED ARTICLES

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo...

Qaramada Midoobey Oo Balan Qaad Cusub U Sameeysay Galmudug

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa madaxtooyada Maamulka ku qaabilay wafdi ka socday Hay’addaha Qaramada Midoobey ee kala ah IOM, WHO,...

Masar Oo Codsi U Dirtay Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Masar, Akef El-Maqrabi ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Koowaad ee Shirka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Afrika ee IPAs ee shalay lagu qabtay magaalladda...

Facebook Feed

Twitter Feed