Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Lamaha Ammaanka Oo Xiray Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Magalada Mudisho

Lamaha Ammaanka Oo Xiray Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Magalada Mudisho

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha & midka gaarka loo leeyahay.

 

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray jidad dhowr ah oo isku xira waddooyinka Wadnaha & Maka Al-Mukarama oo u muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay waddooyinkaasi ka celinayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyada oo loo ogol yahay kaliya dadka lugeynaya.

Xirnaashaha waddooyinkan ayaa waxaa loo sababeynayaa kulanka maanta ee baarlamaanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana laga mamnuucay xildhibaanada qaar.

Arrintan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeelatay shacabka magaalada Muqdisho oo aan horey loogu war-gelin xirnaasha jidadkaasi.

“Ciidamada ammaanka ayaa xitaa Gaadiidka Ardayda u diiday in ay ka gudbaan waddooyinka u xiran, Dadka da’aad kala duwan ayaa lugeynaya, qof weliba waxa uu ku weydiinayaa sababta loo xiray balse qofba wax ayuu ku sheegayaa, waxaa dib u dhac waqti ku yimid shaqaalaha, Ardyada & Dadka u socda Goobaha Caafimaadka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

 

Inta badan ciidamada ammaanka ayaa hakiya dhaq-dhaqaaq waddooyinka marka ay dhacayaan shirarka waa weyn ama Muqdisho ay imaanayaan wafuuf caalami ah.







RELATED ARTICLES

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Sida looga takhaluso dufanka uurku jirta: Cabitaannada sonkorta leh waxay kordhiyaan xaddiga dufanka caloosha ee aad sidato

Baruurta visceral waxaa badanaa loo yaqaanaa dufanka caloosha, waxayna u egtahay inay ku duubmaan xubnahaaga gudaha. Waxaa loo tixgeliyaa inay tahay dhibaato caafimaad oo...

Facebook Feed

Twitter Feed