Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Lix qof oo laba ay dumar yihiin oo loo qabtay carruurtii lagu...

Lix qof oo laba ay dumar yihiin oo loo qabtay carruurtii lagu dilay Baydhabo

Ciidamada ammaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa lix qof u soo qabtay wiil iyo gabar walaalo ahaa oo dhawaan lagu dilay Magaalada Baydhabo.

Wiilka iyo gabadha oo da’doodu ka yar tahay 10 jir ayaa 7-dii bishan laga qafaashay Magaalada Baydhabo, waxaana maalin ka dib meydadkooda laga helay duleedka magaalada.

Dr. Cabdullaahi Ibraahim oo ah Madaxa Dhakhaatiirka Koonfur Galbeed, kana hawlgala Isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa ka mid ahaa dhakhaatiirkii baaritaanka ku sameysay meydadka carruurtaasi, waxaana uu bidhaamiyay in si xun loo dilay carruurtaasi.

“Labadooda waxay leeyihiin dhaawacyo qoorta qaybta hore iyo gadaalba ah, qaybta gadaal toorey baa uga taalay, caloosha sidoo kale waxaa uga taalay mindi, dhinaca kelida midig ayaa jeexneyd illaa iyo gadaal. Marka xubnihii markii la fiiriyay sidoodii ayay ugu yaallaan, ma jirin wax xubno ah oo lagala baxay.” Ayuu yiri Dr. Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiirka Cadaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo gelinkii dambe ee Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in lix qof oo laba ay dumar yihiin loo soo qabtay falka foosha xun ee carruurtaasi lagula kacay.

Wasiirka ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeysay ay socdeen baaritaano ku aaddan kuwii ka dambeeyay falkaasi, isla-markaana loo hayo lix qof oo lala xiriirinayo.

Wasiirka ayaa aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Sheekh Aweys Cabdullahi iyo shacabka reer Baydhabo ugu bishaareeyay in baaritaanka uu meel wanaagsan marayo, sharcigana la horkeeni doono kuwa ku lugta leh.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu laamaha amniga ku amray in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo geba-gabeeyo baaritaanka, cid kastoo ku lug yeelatana lala tiigsado sharciga.

Wasiir Joon ayaa ugu dambeen sheegay inay aad ugu dadaalayaan, sidii ay cadaalad u heli lahaayen qoyska carruurtaasi, oo uu ugu horeeyo aabaha qoyskaasi, Sheekh Aweys Cabdullahi.

RELATED ARTICLES

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Facebook Feed

Twitter Feed