Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Arrimaha Bulshada “Lixdankii Waxa Ina Kharibay Waxay Ahayd Hoggaan Xumo...” Faysal Cali Waraabe

“Lixdankii Waxa Ina Kharibay Waxay Ahayd Hoggaan Xumo…” Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay jirto Qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinaca Xukuumadda ah, taasina tahay waxa dalka dib uga dhigay inuu horumar muuqda sameeyo.

Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbigiisu ku soo dhaweeyay Musharraxiin u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in lixdankii ay Hoggaan xumo kharibtay Shacabka Somaliland, maantana ay Somaliland ka jirto Hoggaan xumo

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Lixdankii waxa ina kharibay waxay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo.”

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu dhaliilay habka loo Magacaabo Wasiirrada iyo Wasaaradaha “Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qudha oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, ta dhaqaalaha, ta Bulshada, ta difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay yooyootan, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii..”







RELATED ARTICLES

Imaaraadka Carabta oo baabuur dagaal kasoo dejiyey garoonka Boosaaso

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday gadaadiid kuwa dagaalka ah, oo toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay...

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Facebook Feed

Twitter Feed