Friday, April 23, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Arrimaha Bulshada Madaxweynaha Eritrea Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Safar Lama Filaan Ku Tagay...

Madaxweynaha Eritrea Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Safar Lama Filaan Ku Tagay Dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo raysal Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay booqasho hal maalin ah si wadajir ah ugu tageen Magaalada Jubba ee Caasimadda dalka dalka Koonfurta Suudaan.

Warar ka duwan ayaa ka soo baxay ujeedada socdaalkooda, iyadoo Warar sheegayna inay Madaxweyne Silva Kiir kala hadleen dadaalkiisa ku aadan dhexdhexaadinta Khilaafka Xuduudka ee u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan.

Safarka Issias Afewerki iyo Abiy Ahmed ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-sisi shalay booqday caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, isagoo la kulmay Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya Tallada dalkaasi, Jeneral Cabdifataax Al-burhaani iyo Raysal Wasaare Cabdalla Xamduuk.

Madaxweynaha Masar CabdiFataax Al-sisi ayaa waxaa uu sheegay inuu ammaanka Suudaan qeyb ka yahay ammaanka Masar, isagoo hadalkaas ka sheegay jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxa Golaha Kumeelgaadha ee haya tallada dalka Sudan, ku qabteen Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum.







RELATED ARTICLES

Imaaraadka Carabta oo baabuur dagaal kasoo dejiyey garoonka Boosaaso

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday gadaadiid kuwa dagaalka ah, oo toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay...

Khubarada deegaanka ayaa sheegaya in soo jeedinta cimilada ee AMLO ay dib ugu celinayso

Soo-jeedimaha uu Madaxweyne López Obrador ku soo bandhigay Khamiistii Shirweynihii Hoggaamiyeyaasha toddobaadkan ee Cimilada ma ahan kuwo halis ah, oo ku saleysan fikrad ka...

Aqoonyahan Hindi Mareykan ah ayaa ka codsaday Mareykanka in loo diro AstraZeneca Jabs Hindiya

Tirada infakshanka maalinlaha ah ee waddanka ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay, iyada oo in ka badan laba lakh COVID-19 xaaladood la duubay maalin kasta...

Facebook Feed

Twitter Feed