Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saraakiisha

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saraakiisha

DF oo abaalmarisay ciidamadii Al-Shabaab ku jabiyey Aw-dheegle

saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo dhammaan askartii ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan kooxda Al-Shabaab loogu geystay saldhigyada ciidamada Dowladda ee Aw-dheegle iyo Bariire.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yusuf Raage ayaa ka qeyb galay xafladda dalacsiinta oo Maanta ka dhacday Aw-dheegle , waxaana saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo askartii ka qeyb qaadatay dagaalkaas la dalacsiiyey min hal darajo.

Saraakiisha iyo ciidamada la dalacsiiyey ayaa dhammaantood waxay ka kala tirsan yihiin Ciidamada guutada Gor-gor iyo kuwa 14 October.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 3-dii Bishaan April waxay dagaal kusoo qaaday saldhigyada ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Aw-dheegle iyo Bariire, waxaana halkaas kasoo gaaray khasaaro xoog leh.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay, inkastoo Shabaabna ay guul ka sheegatay weeraradaas.

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

           

RELATED ARTICLES

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Ciidanka Xooga Oo Hawlgalo Ka Fuliyay Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay  howgallo ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali...

Facebook Feed

Twitter Feed