Monday, May 10, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweyne Farmaajo oo maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Madaxweyne Farmaajo oo maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu hortaggo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaanada ku wargeliyay inay soo xaadiraan fadhiga aan caadiga ahayn ee maanta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 28-kii bishii April sheegay in 1-da bisha May oo maanta ku beegan uu hortaggi doono Golaha Shacabka.

Madaxweynaha oo hadlayay ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheelitiro heshiiska siyaasadeed ee horey loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Maalin ka dib hadalka Madaxweynaha ka soo yeeray ayay Dowladda Mareykanka sheegtay inay si dhow u eegayso ballanqaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ee ku aaddanaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashooyinka dalka ee 17-kii September, isla-markaana uu si dhakhsi leh u bilaabi doono wadahadaladii ay dowladdiisu la laheyd Madaxda Dowlad Goboleedyada.

“Waxaan ka codsanaynaa Madaxweynaha iyo Baarlamaanka inay si deg-deg ah uga hawlgalaan baabi’inta hindise sharciyadeedkii muddo kordhinta ee 12-kii April.”

Dowladda Ingiriiska ayaa dhankeeda Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ugu baaqday inay si deg-deg ahi u wadahadlaan, iyadoo aanay wax shuruud ahi jirin.

“Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Hoggaamiye-yaasha Dowlad Goboleedyada inay deg-deg u wadahadlaan, iyadoo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad sami.”

RELATED ARTICLES

Wararkii Ugu Dambeeyay ismiidaamin Xalay Ka Dhacday Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay wadada mashquulka badan Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Nin isa soo...

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka aan ka heleyno degmada Sagag ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta halkaas uu ka dhacay qaraxa khasaaro...

Taliye Saldhig Boolis Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay...

Facebook Feed

Twitter Feed